{"id":563803,"date":"2026-05-26T21:19:17","date_gmt":"2026-05-26T18:19:17","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563803"},"modified":"2026-05-26T21:19:17","modified_gmt":"2026-05-26T18:19:17","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-bulshada-soomaaliyeed-la-wadaagay-hambalyada-ciidda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-bulshada-soomaaliyeed-la-wadaagay-hambalyada-ciidda\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay hambalyada Ciidda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,\u201d ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkeenna iyo dadkeenana ku manneysto nabad iyo kheyr,\u201d ayuu yiri farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul. \u201cWaxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,\u201d [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":563804,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563803","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563803","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563803"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563803\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563805,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563803\/revisions\/563805"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563804"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563803"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563803"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563803"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}