{"id":563467,"date":"2026-05-22T10:02:34","date_gmt":"2026-05-22T07:02:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563467"},"modified":"2026-05-22T10:02:34","modified_gmt":"2026-05-22T07:02:34","slug":"hayadda-sodma-iyo-bisha-cas-ee-dowladda-qatar-oo-daahfuray-mashruuca-udxiyada-1447h","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-sodma-iyo-bisha-cas-ee-dowladda-qatar-oo-daahfuray-mashruuca-udxiyada-1447h\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid Al- Abdallah iyo madaxda Bisha Cas ee Qatar ayaa si wadajir ah u daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H ee Bisha Cas Qatar.<\/p>\n<p>Mashruucan ayaa waxaa ka faa\u2019iideysan doona 52,800 qof oo kamid ah barakacayaasha nugul ee gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay\u2019adda SoDMA\u00a0 Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in hay\u2019addu ay xaqiijin doonto gaarsiinta iyo qaybinta udxiyada dhammaan maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay uga faa\u2019iideystaan dadka nugul ee ku barakacay magaalooyinka.<\/p>\n<p>Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar, Raashid Al-Abdallah, iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar Dr. Fatih Zaki ayaa bogaadiyay dadaallada Hay\u2019adda SoDMA ee xaqiijinta in gargaarku gaaro dadka mudnaanta gaarka ah leh.<\/p>\n<p>Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa SoDMA iyo kooxaheeda howlaha gargaarka iyo mashaariicda bani\u2019aadannimo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid Al- Abdallah iyo madaxda Bisha Cas ee Qatar ayaa si wadajir ah u daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H ee Bisha Cas Qatar. Mashruucan ayaa waxaa ka faa\u2019iideysan doona 52,800 qof oo kamid ah barakacayaasha nugul ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":563468,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563467","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563467","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563467"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563467\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563469,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563467\/revisions\/563469"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563468"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563467"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563467"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563467"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}