{"id":563246,"date":"2026-05-18T10:08:06","date_gmt":"2026-05-18T07:08:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563246"},"modified":"2026-05-18T10:08:06","modified_gmt":"2026-05-18T07:08:06","slug":"guddoomiye-kuxigeenka-amniga-gobolka-banaadir-oo-sameeyay-kormeer-lagu-xaqiijinayo-amniga-caasimadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiye-kuxigeenka-amniga-gobolka-banaadir-oo-sameeyay-kormeer-lagu-xaqiijinayo-amniga-caasimadda\/","title":{"rendered":"Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho uu yahay masuuliyad wadajir ah, isla markaana maamulka gobolka ay ka go\u2019an tahay xoojinta nabadgelyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.<\/p>\n<p>Guddoomiye Yabooh oo ka hadlayay kormeer amni oo uu ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka iyo saraakiisha ammaanka ay yeesheen diiradda lagu saaray adkeynta amniga caasimadda iyo dhaqan-gelinta jadwalka heeganka habeenkii si loo kordhiyo feejignaanta amni.<\/p>\n<p>Waxa uu tilmaamay in kormeerka uu salka ku hayay hubinta hirgelinta heeganka habeenkii ee degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni iyo xasillooni buuxda.<\/p>\n<p>\u201cAmniga Caasimadda waa masuuliyad wadajir ah, waxaana naga go\u2019an inaan xoojino nabadgelyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka,\u201d ayuu yiri Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).<\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa ciidamada ammaanka iyo saraakiishooda ku boorriyay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda, isla markaana la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta shacabka iyo hay\u2019adaha ammaanka.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_260518_100628_817.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho uu yahay masuuliyad wadajir ah, isla markaana maamulka gobolka ay ka go\u2019an tahay xoojinta nabadgelyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka. Guddoomiye Yabooh oo ka hadlayay kormeer amni oo uu ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":563247,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563246","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563246","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563246"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563246\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563248,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563246\/revisions\/563248"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563247"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563246"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563246"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563246"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}