{"id":563064,"date":"2026-05-17T11:38:02","date_gmt":"2026-05-17T08:38:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563064"},"modified":"2026-05-17T11:41:35","modified_gmt":"2026-05-17T08:41:35","slug":"warbixinta-midowga-isgaarsiinta-caalamiga-ah-oo-qirtay-dadaallada-horumarka-nidaaminta-isgaarsiinta-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-midowga-isgaarsiinta-caalamiga-ah-oo-qirtay-dadaallada-horumarka-nidaaminta-isgaarsiinta-dalka\/","title":{"rendered":"Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta adduunka, sida lagu sheegay warbixinta Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo daboolaysa muddadii u dhexeysay 2007 ilaa 2024.<\/p>\n<p>Warbixinta ITU ee la daabacay bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday heer eber ah sanadkii 2007 ilaa 77.5% sanadkii 2024, taas oo ka dhigaysa dalka kaalinta koowaad kaga jira 15-ka dal ee sameeyay horumarka ugu weyn ee dhinaca nidaaminta isgaarsiinta.<br \/>\nHorumarkan ayaa yimid kadib dib-u-habeynno waaweyn oo la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sanadkii 2018, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.<br \/>\nWarbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da ee ITU ayaa ah mid lagu cabbiro heerka horumarka maamulka ICT-da ee 194 dal oo caalamka ah. Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah ugu biirtay heerka nidaaminta Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, oo lagu tilmaamo heerka kobcinta maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.<br \/>\nMaareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in aqoonsigan uu muujinayo dadaalladii joogtada ahaa ee Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay\u2019ad madax-bannaan iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.<br \/>\n\u201cAqoonsigan waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumarka la gaaray, balse weli mudnaanteennu waa xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada, iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha,\u201d ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ.<br \/>\nWaxa uu sidoo kale xusay in guushan ay ka dambeyso iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, shirkadaha isgaarsiinta, iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.<\/p>\n<p>Tan iyo sanadkii 2019, HIQ waxay hirgelisay xeerar iyo nidaamyo sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeerarka isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, qorshaha maaraynta hirarka isgaarsiinta, ilaalinta tayada adeegyada iyo xuquuqda macaamiisha, iyo horumarinta Teknoolojiyadda cusub si loo helo adeegyo casri ah oo la isku halleyn karo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-563065\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015-300x245.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"245\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015-300x245.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015-1024x837.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015-768x628.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015-860x703.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260517-WA0015.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta adduunka, sida lagu sheegay warbixinta Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo daboolaysa muddadii u dhexeysay 2007 ilaa 2024. Warbixinta ITU ee la daabacay bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday heer eber [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":563068,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563064","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563064","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563064"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563064\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563067,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563064\/revisions\/563067"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563068"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563064"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563064"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563064"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}