{"id":562952,"date":"2026-05-15T14:18:32","date_gmt":"2026-05-15T11:18:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=562952"},"modified":"2026-05-15T14:38:11","modified_gmt":"2026-05-15T11:38:11","slug":"wasaaradda-gaashaandhigga-oo-ka-hadashay-howlgallo-xalay-ka-dhacay-duleedka-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-gaashaandhigga-oo-ka-hadashay-howlgallo-xalay-ka-dhacay-duleedka-baydhabo\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.<\/p>\n<p>Warka ayaa lagu yiri&#8221;Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.<\/p>\n<p>Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in malleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga Qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca Qaranka intii uu socday weerarkii shalay.<\/p>\n<p>Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama malleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga iyo in cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-562962 size-large\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED-724x1024.jpg\" alt=\"\" width=\"724\" height=\"1024\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED-860x1216.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WAR-SAXAAFADEED.jpg 905w\" sizes=\"auto, (max-width: 724px) 100vw, 724px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo. Warka ayaa lagu yiri&#8221;Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":562954,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-562952","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562952","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=562952"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562952\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":562963,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562952\/revisions\/562963"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/562954"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=562952"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=562952"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=562952"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}