{"id":562831,"date":"2026-05-13T16:11:30","date_gmt":"2026-05-13T13:11:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=562831"},"modified":"2026-05-13T16:21:23","modified_gmt":"2026-05-13T13:21:23","slug":"danab-oo-howlgal-lagu-khaarajiyey-tiro-khawaarij-ah-iyo-horjooge-ah-ka-fulisay-shabeellaha-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/danab-oo-howlgal-lagu-khaarajiyey-tiro-khawaarij-ah-iyo-horjooge-ah-ka-fulisay-shabeellaha-dhexe\/","title":{"rendered":"Danab oo horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ku khaarajisay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe"},"content":{"rendered":"<p>Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal saqdhexe ah waxay xalay ka fuliyeen deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loogu daatay goob ay kooxda Nabad-diidka ku ciqaabi jireen, dhibna ugu gaysan jireen dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Saraakiisha hoggaamisay howlgalkan gaarka ahaa ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la qaarajiyo Horjoogihii Khawaarijta ee goobtan la beegsaday iyo 4 xubnood oo isaga ilaalidiisa ahaa, halka guud ahaan la burburiyey goobtii shacabka ay ku ciqaabi-jireen.<\/p>\n<p>Sidoo kale, inta howlgalku socday, Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa soo badbaadiyey, xorriyadoodiina inay dib helaan ku guuleystay Shacabkii Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo ciqaabta lagu haayey.<\/p>\n<p>Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhamaan hubkii maleeshiyaadka ay dadka ku dhibaatayn jireen ee deegaanka Gamboole, waxayna ka furteen 4 qori oo AK47 ah iyo hal PKM ah.<\/p>\n<p>Saraakiisha hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Ciidamada xoogga dalka u xaqiijiyey in howlgalkan u dhacay sidii loogu tagalay, kaasi oo ka qeyb ah howlgalo gaar ah oo lagu burburinayo goobaha ay gabbaadka ka dhigtaan kooxaha Naflacaariga ah ee Khawaarijta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal saqdhexe ah waxay xalay ka fuliyeen deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loogu daatay goob ay kooxda Nabad-diidka ku ciqaabi jireen, dhibna ugu gaysan jireen dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed. Saraakiisha hoggaamisay howlgalkan gaarka ahaa ayaa sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":57,"featured_media":556050,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-562831","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562831","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/57"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=562831"}],"version-history":[{"count":9,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562831\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":562840,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/562831\/revisions\/562840"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/556050"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=562831"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=562831"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=562831"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}