{"id":561993,"date":"2026-05-03T14:39:14","date_gmt":"2026-05-03T11:39:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=561993"},"modified":"2026-05-03T14:39:14","modified_gmt":"2026-05-03T11:39:14","slug":"wasiirka-warfaafinta-oo-hambalyo-u-diraybahda-warbaahinta-munaasabadda-3-da-may","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-oo-hambalyo-u-diraybahda-warbaahinta-munaasabadda-3-da-may\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda\u00a03-da May"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka \u2013 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ku leedahay dhismaha nabadda, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta qiimaha leh ee saxafiyiintu ka qaataan wacyigelinta bulshada, Nabad dhiska, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha.<\/p>\n<p>Sanadkan, xuska maalintan caalamiga ah waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saameynta casriyaynta warbaahinta iyo la qabsiga garaad-gacmeedka (AI), iyo sida warbaahintu kaalin mug leh uga qaadan karto nabadda, xal u helista colaadaha iyo xasilloonida dunida maanta.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa xusay in saxaafadda Soomaaliyeed, sida warbaahinta caalamka oo kale, ay maanta saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan, u qareemidda nabadda, , xoojinta caddaaladda, iyo taageeridda dowladnimada.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu tilmaamay in munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli dalku ku jiro marxalad doorasho, loona baahan yahay in tabinta Warbaahinta u hiiliso doorashasho nabdoon oo kor u qaadaysa wadajirka bulshada..<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay: xoojinta xorriyadda saxaafadda, ilaalinta badbaadada saxafiyiinta, iyo horumarinta jawi warbaahineed oo u sahlaya shaqo gudasha xirfad iyo mas\u2019uuliyad ku dhisan.<\/p>\n<p>Wasiir Daa\u2019uud ayaa ugu dambeyn sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto, tababarrada xirfadeed ee lagu xoojinayo saxafiyiinta, kor u wada-shaqeynta warbaahinta, iyo hay\u2019adaha kale ee dowladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka \u2013 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ku leedahay dhismaha nabadda, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka. Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":561987,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-561993","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561993","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=561993"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561993\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561994,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561993\/revisions\/561994"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/561987"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=561993"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=561993"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=561993"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}