{"id":561935,"date":"2026-05-02T17:37:56","date_gmt":"2026-05-02T14:37:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=561935"},"modified":"2026-05-02T17:37:56","modified_gmt":"2026-05-02T14:37:56","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-kulan-ku-casuumay-golaha-mustaqbalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-kulan-ku-casuumay-golaha-mustaqbalka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.<\/p>\n<p>Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas\u2019uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-561937\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b-210x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"210\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b-210x300.jpeg 210w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b-717x1024.jpeg 717w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b-768x1097.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b-860x1229.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/e4d44dd7-ff4f-4ddd-9944-9c9241a3294b.jpeg 1008w\" sizes=\"auto, (max-width: 210px) 100vw, 210px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026. Kulankan wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":561936,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-561935","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561935","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=561935"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561935\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561938,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561935\/revisions\/561938"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/561936"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=561935"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=561935"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=561935"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}