{"id":561904,"date":"2026-05-01T19:06:05","date_gmt":"2026-05-01T16:06:05","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=561904"},"modified":"2026-05-01T19:06:05","modified_gmt":"2026-05-01T16:06:05","slug":"soomaaliya-ayaa-qeyb-gashay-shir-weynaha-76-aad-ee-fifa-oo-ka-dhacay-canada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-ayaa-qeyb-gashay-shir-weynaha-76-aad-ee-fifa-oo-ka-dhacay-canada\/","title":{"rendered":"Soomaaliya ayaa qeyb gashay Shir-weynaha 76-aad ee FIFA oo ka dhacay Canada"},"content":{"rendered":"<p>Vancouver (SONNA): Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ahna guddoomiye ku-xigeenka CECAFA, oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee xiriirka Dr. Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha 76-aad ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo ay ka qeyb galeyn 211-ka dal ee xubnaha ka ah FIFA, kaas oo ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada.<\/p>\n<p>Shir-weynaha oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa ajandayaasha muhiimka ah ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa qiimeynta iyo ansixinta siyaasadaha, ka doodista maalgashiga iyo taageerada la siiyo xiriirrada xubnaha ah, dib-u-eegista tartamada caalamiga ah iyo qaab-dhismeedkooda, iyo xoojinta hufnaanta, maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka hay\u2019adaha kubadda cagta.<\/p>\n<p>Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeeyay qorshaha diyaar-garowga Koobka Adduunka ee 48-ka xul, kaas oo la filayo inuu noqdo kii ugu weynaa taariikhda kubadda cagta..<\/p>\n<p>Inta uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo ansixiyay Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025, iyadoo FIFA ay shaacisay qorshe dhaqaale oo ballaaran. Miisaaniyadda muddada 2027 ilaa 2030 ayaa la filayaa inay gaarto $14 bilyan, taas oo ah rikoor cusub, isla markaana dib loogu maalgelin doono horumarinta kubadda cagta adduunka.<\/p>\n<p>Ka qeybgalka Guddoomiye Cali Shiine ee shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama uu dalka siinayo fursad uu codkiisa kaga dhiibto go\u2019aamada caalamiga ah, isla markaana uu ku xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka kale, si kor loogu qaado horumarka kubadda cagta Soomaaliya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-561905\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651337596-768x1024.jpg\" alt=\"\" width=\"768\" height=\"1024\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651337596-768x1024.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651337596-225x300.jpg 225w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651337596.jpg 810w\" sizes=\"auto, (max-width: 768px) 100vw, 768px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-561906\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-1024x1019.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"1019\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-1024x1019.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-300x300.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-768x764.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056-860x856.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651340056.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-561907\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636-1024x726.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"726\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636-1024x726.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636-300x213.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636-768x545.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636-860x610.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651380636.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-561908\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468-1024x731.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"731\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468-1024x731.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468-300x214.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468-768x548.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468-860x614.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/FB_IMG_1777651385468.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Vancouver (SONNA): Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ahna guddoomiye ku-xigeenka CECAFA, oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee xiriirka Dr. Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha 76-aad ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo ay ka qeyb galeyn 211-ka dal ee xubnaha ka ah FIFA, kaas oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":561905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-561904","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561904","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=561904"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561904\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561909,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561904\/revisions\/561909"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/561905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=561904"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=561904"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=561904"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}