{"id":561901,"date":"2026-05-01T19:01:58","date_gmt":"2026-05-01T16:01:58","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=561901"},"modified":"2026-05-01T19:01:58","modified_gmt":"2026-05-01T16:01:58","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-bogaadiyey-shaqaalaha-soomaaliyeed-munaasabadda-1-da-may-awgeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamse-oo-bogaadiyey-shaqaalaha-soomaaliyeed-munaasabadda-1-da-may-awgeed\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul wasaare Xamse oo bogaadiyey shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda 1-da May awgeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka Maajo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin kobaca iyo adkeysiga Qaranka.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aad laf-dhabbar u tihiin amniga, dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran kaabeyaal horumarsan oo casri ah leh, si walba oo duruufaha ay u adkaayeen maanta waxa aad u jihaysateen in aad qeyb ka noqotaan horumarka muuqda ee dalkeennu gaaray, sidaas darteed waxaan idiin rajeynayaa in aad sii xoojisaan dadaalka iyo naf-hurrnimada aad waddaan\u201d. Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay sida ay Xukuumadda uga go\u2019an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka Maajo. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaaluhu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":561902,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-561901","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561901","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=561901"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561901\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561903,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561901\/revisions\/561903"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/561902"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=561901"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=561901"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=561901"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}