{"id":561762,"date":"2026-04-29T16:01:45","date_gmt":"2026-04-29T13:01:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=561762"},"modified":"2026-04-29T16:01:45","modified_gmt":"2026-04-29T13:01:45","slug":"wasiirka-warfaafinta-oo-kulan-miro-dhal-ah-la-yeeshay-danjiraha-shiinaha-u-fadhiya-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-oo-kulan-miro-dhal-ah-la-yeeshay-danjiraha-shiinaha-u-fadhiya-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, Soomaaliya 29-ka April 2026 \u2014 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyadoo labada mas\u2019uul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Shiinaha ay ka qaadato taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda horumarineed ee Shiinaha ay ka taageerto dalka.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka, gaar ahaan taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo ah astaan muhiim u ah kobcinta fanka iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay\u2019adaha warbaahinta labada dal, is-weydaarsiga khibradaha xirfadeed, tababaridda suxufiyiinta iyo horumarinta kaabeyaasha warbaahinta, si loo taageero dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka wacyigelinta bulshada, xoojinta midnimada qaranka iyo horumarinta warbaahin casri ah oo wax ku ool ah.<\/p>\n<p>Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda kala duwan ee Dowladda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya, oo ay ku jiraan taageerada bani\u2019aadannimo iyo mashaariic horumarineed oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go\u2019an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka, si loo xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, labada mas\u2019uul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta mustaqbalka ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loona taageero horumarka bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-561763\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2-860x574.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-2.jpeg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-561764\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1-860x574.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1.jpeg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-561765\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31-860x574.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.31.jpeg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-561766\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30-860x574.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-29-at-15.27.30.jpeg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, Soomaaliya 29-ka April 2026 \u2014 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyadoo labada mas\u2019uul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":57,"featured_media":561764,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-561762","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561762","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/57"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=561762"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561762\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561767,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/561762\/revisions\/561767"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/561764"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=561762"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=561762"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=561762"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}