{"id":560734,"date":"2026-04-17T14:52:03","date_gmt":"2026-04-17T11:52:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=560734"},"modified":"2026-04-17T14:52:03","modified_gmt":"2026-04-17T11:52:03","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-126","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-126\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.<\/p>\n<p>2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya ee dalka Turkiga kaga qeybgelaya Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah.<\/p>\n<p>3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku beegneyd 12-ka April.<\/p>\n<p>5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay soo dhoweynta Markabka Cagri Bay oo dhowaan billaabaya qodista shidaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.<\/p>\n<p>7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska munaasabadda sanadka guurada 66-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay.<\/p>\n<p>8- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah isimada Puntland oo booqasho ku joogay caasimadda dalka si ay u xoojiyaan isku xirka bulshada iyo dowladoodda.<\/p>\n<p>9- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Mudane Nuur Maxamuud Sheekh oo loo dalacsiiyay darajada Danjire.<\/p>\n<p>10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee ee cusub ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo loo magacaabay Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.<\/p>\n<p>11- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa geed ku beeray Xarunta Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha , taas oo qeyb ka ah toddobaadka dhir beerista dalka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.<\/p>\n<p>12- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Villa Baydhabo.<\/p>\n<p>13- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow i ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga uga qeyb galay kulanka Kooxaha Siyaasadda Afrika iyo Carabta ee ku jira Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).<\/p>\n<p>14- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay ugana soo horjeesatay xad gudubka Israa\u2019iil oo wakiil diblomaasiyadeed u soo magacowday gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>15- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shir-guddoomiyay kulankii 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Gu\u2019ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sannad waliba la qabto.<\/p>\n<p>16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee J Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Hu Changchun.<\/p>\n<p>17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray guud ahaan farshaxan-yahannada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka Abril oo ku began Maalinta Farshaxanka Adduunka.<\/p>\n<p>18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay Sii-Hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.<\/p>\n<p>19- Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ka sameeyay geed beeris qayb ka ah Toddobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>20- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.<\/p>\n<p>21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa dilay 17 ka tirsan argagaxisada Al-Shabab kadib hawlgal ballaaran oo ka dhacay Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.<\/p>\n<p>22- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S\/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kormeer shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha ciidanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>23- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa ka qeybgaley kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee (Somalia National Pavilion).<\/p>\n<p>24- Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga ayaa si wadajir ah magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga furay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan baarista u hoggaansanaanta sharciga.<\/p>\n<p>25- Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Diblomaasiyiinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya.<\/p>\n<p>26- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya ee dalka Turkiga kaga qeybgelaya Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah. 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":560736,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-560734","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560734","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=560734"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560734\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":560737,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560734\/revisions\/560737"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/560736"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=560734"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=560734"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=560734"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}