{"id":560089,"date":"2026-04-11T11:32:46","date_gmt":"2026-04-11T08:32:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=560089"},"modified":"2026-04-11T11:43:41","modified_gmt":"2026-04-11T08:43:41","slug":"markabka-qodista-ceelka-shidaalka-curadka-oo-muqdisho-laga-sagootiyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/markabka-qodista-ceelka-shidaalka-curadka-oo-muqdisho-laga-sagootiyay\/","title":{"rendered":"Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay"},"content":{"rendered":"<p>Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye oo laga soo sagootiyey Markabka Ca\u011fri Bey, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,<\/p>\n<p>Dekadda &#8220;Mersin&#8221; oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay\u00a0 Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo &#8221; Cagri Bey (IMO 9705457)&#8221;, kaasi oo ah midka ugu muhimsan\u00a0 Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.<\/p>\n<p>Haddaba maalintii Khamiista aheyd oo bisha Apriil ay aheyd 9-ka ayuu soo gaaray magaalada Muqdisho, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga \u00a0ee Dalka Turkiye oo Muqdisho soo gaaray Alparslan Bayraktar ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in \u00c7a\u011fr\u0131 Bey (markab) uu Soomaaliya u yimid howlihiisa taariikhiga ah. &#8220;Waxaan furaynaa bog cusub oo taariikhda tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya ah,&#8221; ayuu raaciyay. \u201cWaxaanu leenahay Bismillaah hawshii ugu horraysay ee aanu ka wadno qodista badda hoose ee ka baxsan xuduudaheena\u201d ayuu yiri Wasiirku.<\/p>\n<p>Sida laga soo xigtay Wasaaradda Tamarta, \u00c7a\u011fr\u0131 Bey ayaa lagu wadaa in uu qodo Ceelka loogu magac daray &#8220;Curad-1&#8221; ee ku yaala Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu ku shaqeeyo Gunta hoose ee Badda ama qoto dheer oo dhan 7,500 mitir (in ka badan 24,600 Cagood), taasi oo ku qaadaneysa muddo 288 maalmood ah. Wasaaraddu waxay ku tilmaantay ololahan inuu yahay hawshii ugu horreysay ee Turkiye ee sahaminta badda hoose ee dibadda. Turkiga, ayaa sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kale kor u qaaday dadaalka gudaha ee sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska labadaba.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-560095\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/ru-243x300.png\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"790\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/ru-243x300.png 243w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/ru.png 381w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/p>\n<p>Goobta qodista ayaa la doortay ka dib markii Markabka Turkiga ee Oru\u00e7 Reis uu horay uga ururinayey xogta seddex meelood oo ah xeebaha Soomaaliya. \u201cTurkiga ayaa xiriir dhow la leh dalka Geeska Afrika, iyadoo tamarta ay tahay mid ka mid ah dhinacyada iskaashiga dhinacyada badan leh\u201d, sida ay qortay Jariidadda Daily Sabah.<\/p>\n<p>Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Ceelka shidaalka Soomaaliya ee Curad-1 loo qorsheeyay in la qodo\u00a0 Gunta hoose ee Moolka Badda 7,500 mitir, iyadoo howlgalkaasi la filayo inuu qaato waqti dheer oo farsamo ahaan adag, iyadoo intaasi raacisay in haddii qodista Ceelkan lagu guuleysto, Curad-1 wuxuu noqon karaa mid ka mid ah Ceelasha ugu qotoda dheer ee badda laga qodo Caalamka, gaar ahaan isagoo geli kara kaalinta labaad ee Ceelasha noociisa oo kala ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo shalay ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee \u00c7a\u011fr\u0131 Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in imaanshaha markabka \u00c7a\u011fr\u0131 Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa\u2019iideeyo si mas\u2019uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah, wuxuuna xusay in amniga dalku uu horseeday maalgashi shisheeye oo caalami ah, kaasi oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in si hufan oo masuuliyad leh looga faa\u2019iidaysto khayraadka dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.<\/p>\n<p>Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra\u2019iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxa ay u guuraysa nabad iyo barwaaqo waxa ay ka guuraysa amni-darro iyo dhaqaale la\u2019aan, waxa aan leenahay hadaf cad oo Madaxweynaha Qaranka uu la yimid kaasi oo la yiraahdo Qorshaha Qarni-jirka ah 2060-ka oo ka tarjumaysa geeddiga socda ee muuqda ee dowlad-dhiska Soomaaliya\u201d. Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre oo ka haadlaayay munaasabadda soo dhaweynta Markabka ka howlgalaya soo saarisita shidaalka Soomaaliya, wuxuuna Carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay ilaalinta danaha shacabka, isla markaana ay hubin doonto in khayraadka dalka loo maareeyo si caddaalad ah oo\u00a0 daah-furan.<\/p>\n<p>Dalkeena marka laga eego dhinaca badda (offshore), waxaan leenahay ku dhowaad 250 Ceel shidaal sida la sheegay. Ceel kasta cabbirkiisu waa 50km \u00d7 100km, taasoo ka dhigeysa in mid kasta uu leeyahay baaxad dhan 5,000 km\u00b2, balse hadda waxaa shaqo laga bilaabayaa 3 ceel oo kaliya, waxaana ugu horreeya ceelka CURAD-1.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale jira shirkado badan oo howshan ka qeyb qaadanaya, silamid ah walaalaheen Turkiga oo iyaguna bilaabaya qodista shidaalka. Ummadda Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa inay taageeraan dowladdooda, si loo dardargeliyo soo saarista shidaalka dalka, loogana gudbo xaaladaha adag ee ku gadaaman dalkeenna. Sidoo kale, aan si diirran u soo dhoweyno rajada ummadda Soomaaliyeed, markabka \u201cCagri Bey\u201d.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii waxaa Dekedda Muqdisho laga sii sagootiyay Markabka \u00a0\u00a0Ca\u011fri Bey, isagoo u jiheystay goobta ugu horreysa ee horey loo calaamadeeyay, taasi oo magaalada Muqdisho dhinca waqooyi kag beegan una jirta 372 Km, deegaan ahaanna waxaa lagu magacaabaa Xeebta Mareeg ee Degmada Qadiimiga ah Ceeldheer ee Gobolka Galguduud. \u2018Howl wacan ayaan u rajeyneynaa\u2019.<\/p>\n<p>By. C\/laahi Ruush<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye oo laga soo sagootiyey Markabka Ca\u011fri Bey, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":560090,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-560089","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560089","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=560089"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560089\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":560097,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560089\/revisions\/560097"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/560090"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=560089"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=560089"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=560089"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}