{"id":559921,"date":"2026-04-09T14:15:19","date_gmt":"2026-04-09T11:15:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559921"},"modified":"2026-04-09T14:37:05","modified_gmt":"2026-04-09T11:37:05","slug":"danjire-mohamed-osman-oo-waraaqihii-aqoonsiga-u-gudbiyay-dowladda-nigeria","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/danjire-mohamed-osman-oo-waraaqihii-aqoonsiga-u-gudbiyay-dowladda-nigeria\/","title":{"rendered":"Danjire Mohamed Osman oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dowladda Nigeria"},"content":{"rendered":"<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Mohamed Osman Mohamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters of Credence) u \u00a0gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Nigeria.<\/p>\n<p>Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku qabsoontay jawi sharaf iyo soo-dhaweyn diirran leh, iyadoo ka tarjumaysay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p>Intii ay socdeen kulamada la xiriiray munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, gaar ahaan heer caalami iyo heer goboleed.<\/p>\n<p>Safaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go\u2019an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559932 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/dan6.png\" alt=\"\" width=\"1018\" height=\"809\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/dan6.png 536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/dan6-300x238.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 1018px) 100vw, 1018px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Mohamed Osman Mohamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters of Credence) u \u00a0gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Nigeria. Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku qabsoontay jawi sharaf iyo soo-dhaweyn diirran leh, iyadoo ka tarjumaysay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":559922,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559921","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559921","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559921"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559921\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559933,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559921\/revisions\/559933"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559922"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559921"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559921"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559921"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}