{"id":559907,"date":"2026-04-09T13:41:49","date_gmt":"2026-04-09T10:41:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559907"},"modified":"2026-04-09T13:57:09","modified_gmt":"2026-04-09T10:57:09","slug":"hoggaamiyaha-isbadalka-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hoggaamiyaha-isbadalka-warbixin\/","title":{"rendered":"Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)"},"content":{"rendered":"<p>Isbadalku waa wax adag, cabsi leh, khatar leh balse ay ku qasban tahay ciddii doonayso in ay horumar samayso.<\/p>\n<p>Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu goostay in uu si dhab ah\u00a0 u sameeyo isbadal saameeya xaaladda dalka, iyada oo loo marayo waddooyin adag.<\/p>\n<p>Dabcan isaga oo ka faa\u2019iidaysanaya khibradiisa uu ku kasbaday xog-ogaalnimada uu ka helay muddo xileedkiisii hore, waqti badan kuma qaadan in uu doorto meelaha ugu muhiimsan ee uu wajahayo si uu u gaaro natiijo lataabankaro una abbaaro meelaha ay tahay in uu waqtigiisa galiyo.<\/p>\n<p>Sanado halgan adag ah ka dib, hadda waxaa timid xilligii natiijada, waxaan Qormadaan ku dul\u00a0 istaagayaa Sadex arrimood oo ah malaha kuwa ugu waawayn uguna saamaynta badan kuwaas oo hadda natiijadoodu ay bilaabatay in ay saamayso nolosha dadka badashana hab- nololeedkii soo jireenka ahaa.<\/p>\n<p>1- Amniga.<\/p>\n<p>Soo celinta nabadgalyada ayuu u arkay furaha ugu muhiimsan la\u2019aantiisna aan laga fikirikarin inta kale.<\/p>\n<p>Dagaal adag oo Dawladdu ay la gashay kooxaha abuura Amni Darradda oo ay ugu horeeyaan Khawaarijta, Hubka Sharcidarada ah, iyo xoojinta hay\u2019adaha Amniga, hadda isbadal aan lagu muransanayn ayay ku nooloonaayaan Dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Dadka Caasimadda Muqdisho oo muddo ka badan 40 Sano dareemaya xaaladdii Amni ee ugu wanaagsanayd.<\/p>\n<p>Isbadalkaas amni wuxuu kale oo saameeyay Magaalooyinka waawayn ee Dalka oo dhan oo si aad u wayn ay hoos ugu dhaceen dhibaatooyinkii xagga Amniga, dabcan sababihii keenay guusha iyo jidkii loo maray Qormo kale ayaan ku eegidoonaa.<\/p>\n<p>2- xasilinta Siyaasadda.<\/p>\n<p>Aagga labaad ee uu Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud doortay waxeey ahayd in uu badalo xaaladda Siyaasadeed Dalka oo aan muddo dheer samayn horumar muuqda, si la mid ah Amniga, wuxuu ka faaiidaystay fahamkiisa sare ee halka ay sartu ka quransantahay, wuxuuna gartay in Dalku aanu huraynin helista nidaam Siyaasadeed oo waafaqsan Dawladnimada Casriga ah, siinaya fursad Muwaanidiinta, abuurayana fagaare Siyaasadeed oo isku tola Dadka Soomaaliyeed kana saara qoqobka Qabaliga ah si loo helo hanaan wax isku darsi oo aan qabiil ku dhisnayn balse aragti ku dhisan, fursad sal sharci lehna siiya daneeyayaasha Siyaasadda.<\/p>\n<p>Albaabka himiladaas hirgalinteedu wuxuu noqday in la dhamaystiro Dastuurka si loo xaqiijiyo ahdaafta sare ku xusan, gudanaysana waajibaadka soo jireenka ah ee Dawladihii kala dambeeyay 26-kii Sano ee tagtay kuwaas oo dhamaan waajibaadkoodkooda ay ugu horaysay gaarsiinta Dalka nidaam Dawladeed, Dimuquraddi ah, awoodana Shacabku leeyahay loogana gudbo xukunka ku yimaada xeer jajabka.<\/p>\n<p>Si la mid ah xaaladda Amniga, Sanado shaqo adag ah ka dib, Dalku wuxuu u dhaqaaqay Doorasho Dadwaynuhu codaynayaan kuna dhisan Axsaab Siyaasadeed oo aan qabiilaysnayn, talaabadii ugu horaysay 390 Qof oo ah Golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa kusoo baxay hanaankaan, hadana Sanaadiiqda cod bixintu waxeey ku firirsanyihiin min cirifka koofureed ee Dalka ilaa cirifka waqooyi halkaas oo la filayo in Dadwaynuhu dooran doonaan hogaamiyayaashooda heer deegaan ilaa Madaxwayne Qaran.<\/p>\n<p>Tanina waa isbadal Siyaasadeed oo dhab ah hagina doona nidaamka Siyaasadeed ee Dalka Mudada soo aaddan insha allaah.<\/p>\n<p>3- isbadal dhaqaale.<\/p>\n<p>Madaxwaynuhu, isaga oo garawsan in si doonista Dadka Soomaaliyeed ay u socoto ay lagama maarmaan tahay in Dalku aanu ku jirikarin gacan hoorsi, taasina ka dhigayso lama huraan in Dalku uu helo ilo dhaqaale isaga oo ka faaiidaysnaya Khayrqadkiisa.<\/p>\n<p>Dhiirasho adag oo la mid ah labada qodob ee kore, wuxuu Madaxwaynuhu dhaqaajiyay ka faaiidaysiga Khayraadka Dalka oo ahayd meel aad looga baqo.<\/p>\n<p>Dagaal adag oo dhinacyo badan ka dib, hadda waxaa bilaabanaya in Soomaaliya soosaarato Khayraadkeedii\u00a0 ugu horeeyay, mana ahan shaqo saadaaleed ee waa ficil uu socdo fulintiisu.<\/p>\n<p>Sadexda aag ee Qormadaani taabatay kaliya ma ahan meelaha isbadalku uu ka dhacay balse waa kuwa ugu mudan uguna waayn saamayn togan oo muuqatana ku yeeshay hab nololeedka Dadkeenna waana taas sababta aan usoo xushay.<\/p>\n<p>Maxaa sahlay gaarista guulahaan?<\/p>\n<p>Waxaa jira dhawr arrimood oo u baahan in aan xusno, kuwaas oo sal u ah xaqiijinta isbadalkaan adag ee waqtiga kooban,<\/p>\n<p>Arinka koowaad waa in uu Madaxwaynuhu xukunka la wareegay isaga oo leh aragti cad oo qorshaysan, waxaa xigtay in uu doortay Raysalwasaare la aragti ah, kartina u leh in uu dhaqangaliyo aragtida Madaxwaynaha, waxaa xigta xirfadda maaraynta xasaradaha iyo qaadista caqabadaha ee hogaanka Dalka, adkaysiga iyo isku duubnida hogaanka Dalka iyana waa mid mudan iyo ugu danbayn taageerada Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay garab istaag wayn.<\/p>\n<p>Gunaanad.<\/p>\n<p>Arrimahaani waa tusaalooyin muujinaya isbadal dhab ah, tilmaamaya jihada uu Dalku u socdo, qeexaya\u00a0 doonista sare iyo aragtida dheer ee Hogaanka Dalka ee Maanta, mana ah natiijo faaiidadeedu u gaar tahay Qof, Koox ama Deegaan gaar ah, balse waa kuwa ay mirahooda si isku mid ah u garan doonaan Shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Waa waddooyin furistooda ay halis badan u qaateen hogaanka Maanta jooga balse hanashada guusha ay harsan doonaan hogaamiyaasha soo socda oo malaha ay ku jirikaraan kuwa Maanta diidan waana Sunnada nolosha qayb ka mid ah.<\/p>\n<p>Fariin Dadwayne.<\/p>\n<p>Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waxaa hortiina timid fulinta qaybo ka mid ah himilooyinkii Dawladeed ee aad u hamuun qabteen Muddo dheer, waxaa soo bidhaamay iftiinkii aad naawilayseen, humaaggii\u00a0 ayaa soo dhawaaday, daruurtii ayaa dushiina timid, sidaas awgeed, idinka oo aan ku dawakhin doodda\u00a0 badan ee damac qofeedku hagayo, hareeraha ka joogsada halganka\u00a0 gaarista iyo xaqiijinta himilooyinka Qaran iyo hanka Umadeed ee idinka hor muuqda.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559915 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog2.png\" alt=\"\" width=\"938\" height=\"931\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog2.png 523w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog2-300x298.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog2-150x150.png 150w\" sizes=\"auto, (max-width: 938px) 100vw, 938px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559916 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog3.png\" alt=\"\" width=\"939\" height=\"633\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog3.png 777w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog3-300x202.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog3-768x518.png 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 939px) 100vw, 939px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559917 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4.png\" alt=\"\" width=\"945\" height=\"633\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4.png 778w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4-300x201.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4-768x514.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4-330x220.png 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog4-420x280.png 420w\" sizes=\"auto, (max-width: 945px) 100vw, 945px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559918 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog-2.png\" alt=\"\" width=\"929\" height=\"521\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog-2.png 929w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog-2-300x168.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog-2-768x431.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/hog-2-860x482.png 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 929px) 100vw, 929px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isbadalku waa wax adag, cabsi leh, khatar leh balse ay ku qasban tahay ciddii doonayso in ay horumar samayso. Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu goostay in uu si dhab ah\u00a0 u sameeyo isbadal saameeya xaaladda dalka, iyada oo loo marayo waddooyin adag. Dabcan isaga oo ka faa\u2019iidaysanaya khibradiisa uu ku kasbaday xog-ogaalnimada uu ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":559910,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559907","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559907","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559907"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559907\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559919,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559907\/revisions\/559919"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559910"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559907"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559907"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559907"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}