{"id":559601,"date":"2026-04-05T20:22:48","date_gmt":"2026-04-05T17:22:48","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559601"},"modified":"2026-04-05T20:22:48","modified_gmt":"2026-04-05T17:22:48","slug":"safiirka-jfs-ee-suudaan-oo-gudbiyay-waraaqaha-aqoonsigiisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/safiirka-jfs-ee-suudaan-oo-gudbiyay-waraaqaha-aqoonsigiisa\/","title":{"rendered":"Safiirka JFS ee Suudaan oo gudbiyay waraaqaha aqoonsigiisa"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Mudane Axmed Jaamac Cumar, ayaa u gudbiyay waraaqaha aqoonsigiisa (Letters of Credence) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Mudane Muxiyadiin Saalim, taasoo qeyb ka ah habraaca rasmiga ah ee aqoonsiga diblomaasiyadeed.<\/p>\n<p>Safiirka Axmed Jaamac ayaa gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweynha Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, isaga oo sidoo kale adkeeyay sida ay uga go\u2019an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhaqanka.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay horumarinta danaha wadajirka ah ee gacan ka geysanaya xasilloonida gobolka, horumar waara iyo xoojinta iskaashiga heer caalami, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Suudaan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka, isagoo caddeeyay taageerada buuxda ee Suudaan u hayso howlgalka diblomaasiyadeed ee Safiirka, isla markaana ammaanay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa muujinaya dadaallada joogtada ah ee Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kordhinta joogitaankeeda gobolka, iyadoo la furaayo fursado cusub oo iskaashi.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559602\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2579399f-cde1-44f7-a46a-3beeba912885-225x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2579399f-cde1-44f7-a46a-3beeba912885-225x300.jpeg 225w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2579399f-cde1-44f7-a46a-3beeba912885-768x1024.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2579399f-cde1-44f7-a46a-3beeba912885.jpeg 810w\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559603\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2ba1566c-72ce-4ccf-ba93-082fd608ee77-225x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2ba1566c-72ce-4ccf-ba93-082fd608ee77-225x300.jpeg 225w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2ba1566c-72ce-4ccf-ba93-082fd608ee77-768x1024.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2ba1566c-72ce-4ccf-ba93-082fd608ee77.jpeg 810w\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559604\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814-300x172.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"172\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814-300x172.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814-1024x586.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814-768x439.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814-860x492.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/3d61c3c3-5ee9-45d4-8360-95d0fceb0814.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559605\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17-300x225.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17-860x645.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/2779cd61-a52f-4ffb-9fd8-efd4fda02b17.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Mudane Axmed Jaamac Cumar, ayaa u gudbiyay waraaqaha aqoonsigiisa (Letters of Credence) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Mudane Muxiyadiin Saalim, taasoo qeyb ka ah habraaca rasmiga ah ee aqoonsiga diblomaasiyadeed. Safiirka Axmed Jaamac ayaa gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweynha Dalka Jamhuuriyadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":559605,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559601","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559601","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559601"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559601\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559606,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559601\/revisions\/559606"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559605"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559601"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559601"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559601"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}