{"id":559508,"date":"2026-04-05T11:00:53","date_gmt":"2026-04-05T08:00:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559508"},"modified":"2026-04-05T11:00:53","modified_gmt":"2026-04-05T08:00:53","slug":"soomaaliya-oo-diiwangalisay-markab-ku-howlgalaya-calanka-soomaaliya-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-diiwangalisay-markab-ku-howlgalaya-calanka-soomaaliya-warbixin\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u diiwaangelisay Markabkii ugu horreeyay ee ee sita Calanka Soomaaliya ee Joqoraafi ahaan dhacda Geeska Afrika tan iyo markii ay burbureen hay\u2019adihii hore ee dalka dagaalladii sokeeye ee 1991-kii awgood.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib diiwaangalisay markabkii ugu horreeyay ee sita Calanka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay qortay Warbaahinta Turkiga laga leeyahay ee TRT. \u201cDiiwaangelintu waxay ka dhigan tahay &#8216;soo noolaynta hay&#8217;adda badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya,&#8217; ayuu yiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay leedahay dhul xeebeed dhererkeedu ka badan yahay 3,330 kiiloomitir (2069 Mayl), taasoo ka dhigaysa tan ugu dheer badweynta Afrika. \u00a0&#8220;Maanta, waxaan si rasmi ah uga diiwaan gashannay Markabka &#8216;Guney&#8217; (IMO 8230417) oo ku hoos safraya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,&#8221; ayuu Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku yiri hadal uu Khamiistii soo saaray.<\/p>\n<p>Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in diiwaangelinta Markabkan oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladnimo in ka badan sodon sano ka hor dagaaladii sokeeye ay muujineyso dib u soo nooleynta maamulka Badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cTani waa markii ugu horreysay burburkii dalka kadib ee markab lagu diiwaangeliyo calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah dib-u-soo-nooleynta awoodda iyo sumcadda Calanka Soomaaliyeed. Diiwaangelintan waxay ku timid kadib dhameystirka dhammaan shuruucdii loo baahnaa in dal uu bixiyo Calan. Wasaaraddu waxay soo dhaweyneysaa Milkiilayaasha Maraakiibta iyo Ganacsatada inay ku diiwaangeliyaan Maraakiibtooda Calanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadd Federaalka Soomaaliya qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay in talaabadaan muhiimka ah ay ku timid kadib markii ay Wasaaraddu hirgalisay dhammaan shuruucda lagama maarmaanka u ah diiwaangalinta iyo Calan siinta Maraakiibta, \u2018waxayna muujineysaa go\u2019aanka ku aadan horumarinta iyo casriyeynta arrimaha Badda.<\/p>\n<p>\u201c Diiwaangalinta \u2018Cuney\u2019 waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, Wasaaradduna waxay soo dhaweyneysaa Ganacsatada iyo Mulkiilayaasha Maraakiibta inay ka faa\u2019ideystaan fursadaan cusub, si ay uga qeybqaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. Dadaalkaan waxa uu qeyb ka yahay qorshaayaasha Isteraajiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliyeed, islamarkaana taageeraya hirgalinta qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP)\u201d,ayaa lagu yiri:- qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.<\/p>\n<p>Mid ka mid ahaa Badmaaxiintii Soomaaliyeed ee bari samaadkii ka howlgali jiray Maraakiibta ayaa yiri:- \u201cAniga oo og\u00a0 Muhimadda ay leedahay, Talaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya, Bishan April ee sanadkan 2026-ka, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee lagu Diiwaan galiyay Markabka Magaciisu yahay ( Cuney) sumadiisuna tahay, IMO. No. 8230417, kaas oo qaadanayo Calanka Soomaaliya, si uu ugu maro Badaha Caalamka, iyada oo Calankeenna Maraakiibta sidata ayna muddo ka muuqan Dekedaha iyo Baddaha Caalamka, ha noqdo Markab Soomaalidu leedahay ama mid looga kireeyay ku meel maridda Calankeena oo muddo Caalamka ka heystay Ceymis raqiis ah, taas oo hore u soo jiidatay Maraakiib badan oo Ajnabi lahaa\u201d. \u201cHambalyo iyo Guul. Horuumar ayaa u rajeeynaa Wasaaradda&#8221;, ayuu ku soo gunaanaday Badmaaxa Soomaaliyeed oo arrintaasi aad ugu farxay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u diiwaangelisay Markabkii ugu horreeyay ee ee sita Calanka Soomaaliya ee Joqoraafi ahaan dhacda Geeska Afrika tan iyo markii ay burbureen hay\u2019adihii hore ee dalka dagaalladii sokeeye ee 1991-kii awgood. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib diiwaangalisay markabkii ugu horreeyay ee sita [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":559511,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559508","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559508","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559508"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559508\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559512,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559508\/revisions\/559512"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559511"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559508"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559508"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559508"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}