{"id":559431,"date":"2026-04-04T12:19:06","date_gmt":"2026-04-04T09:19:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559431"},"modified":"2026-04-04T12:19:06","modified_gmt":"2026-04-04T09:19:06","slug":"ciidanka-hayadda-nisa-oo-howlgallo-qorsheysan-ka-fuliyay-gobolka-shabeellaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidanka-hayadda-nisa-oo-howlgallo-qorsheysan-ka-fuliyay-gobolka-shabeellaha-hoose\/","title":{"rendered":"Ciidanka Hay&#8217;adda NISA oo\u00a0howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose"},"content":{"rendered":"<p>WAR SAXAAFADEED<\/p>\n<p>Muqisho(SONNA):-Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.<\/p>\n<p>Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.<\/p>\n<p>Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab\/Daacish la wadaag NISA: 199 \/ 0770747474 \/ 0620545454.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-559432 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267.jpg\" alt=\"\" width=\"1131\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267.jpg 1131w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/FB_IMG_1775294179267-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1131px) 100vw, 1131px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAR SAXAAFADEED Muqisho(SONNA):-Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":559392,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559431","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559431","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559431"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559431\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559433,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559431\/revisions\/559433"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559392"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559431"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559431"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559431"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}