{"id":559074,"date":"2026-03-29T13:08:03","date_gmt":"2026-03-29T10:08:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=559074"},"modified":"2026-03-29T13:08:03","modified_gmt":"2026-03-29T10:08:03","slug":"hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-bilowday-barnaamij-tababar-oo-ku-saabsan-amniga-saaybarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-bilowday-barnaamij-tababar-oo-ku-saabsan-amniga-saaybarka\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);- Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.<\/p>\n<p>Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay\u2019adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.<\/p>\n<p>Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka \u201cTababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.\u201d<\/p>\n<p>Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa\u2019iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta amniga dhijitaalka ah.<\/p>\n<p>Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:<\/p>\n<p>* CompTIA Security+<br \/>\n* Certified Incident Handler \u2013 EC Council<br \/>\n* Cloud Security Essentials \u2013 GIAC<br \/>\n* ISMS (ISO\/IEC 27001:2022) Lead Auditor<br \/>\n* Certified Information Security Manager (CISM) ISACA<br \/>\n* Certified Information Systems Security Professional (CISSP) \u2013 ISC2<\/p>\n<p>Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay\u2019adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor\u2019s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma.<\/p>\n<p>Sidoo kale Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).<\/p>\n<p>Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka.<\/p>\n<p>Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga Saaybarka iyo shaqaalaha dowladda ee xirfad sare leh.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559075\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778715421.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559076\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-300x254.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"254\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-300x254.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-1024x868.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-768x651.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-1536x1302.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123-860x729.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778710123.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559077\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-300x254.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"254\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-300x254.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-1024x868.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-768x651.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-1536x1302.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414-860x729.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778696414.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559078\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778691094.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-559079\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-300x245.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"245\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-300x245.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-1024x837.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-768x628.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-1536x1256.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967-860x703.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/FB_IMG_1774778687967.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);- Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay\u2019adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":559077,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-559074","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559074","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=559074"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559074\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559080,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/559074\/revisions\/559080"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/559077"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=559074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=559074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=559074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}