{"id":558769,"date":"2026-03-24T14:17:48","date_gmt":"2026-03-24T11:17:48","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=558769"},"modified":"2026-03-24T14:19:34","modified_gmt":"2026-03-24T11:19:34","slug":"wasaaradda-arrimaha-gudaha-xfs-oo-maamul-cusub-u-magacawday-degmada-waajid","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-arrimaha-gudaha-xfs-oo-maamul-cusub-u-magacawday-degmada-waajid\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, 24 Maarso 2026 \u2014 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/share\/p\/1XU2kAmZyX\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">magacawday<\/a> maamulka cusub ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.<\/p>\n<p>Wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale talooyin ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid.<\/p>\n<p>Maamulka cusub ee degmada Waajid ayaa loo magacaabay sidan:<br \/>\nXasan Cabdi Isaaq (Bootoole) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid.<br \/>\nMaxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda.<br \/>\nAadan Cali Kulow ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada.<br \/>\nAyaanle Cabdi Dhuux Yare ayaa loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose.<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa fartay mas\u2019uuliyiinta la magacaabay in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, isla markaana si hufan u maamulaan adeegyada iyo arrimaha bulshada ee degmada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaa lagu wargeliyay in ay taageeraan hirgelinta maamulka cusub si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar ka hirgala degmada Waajid.<\/p>\n<p>Magacaabistan ayaa dhaqan gashay isla marka uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Xil. Cali Yusuf Cali-Xoosh.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, 24 Maarso 2026 \u2014 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka cusub ee degmada Waajid ee gobolka Bakool. Wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":57,"featured_media":558696,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-558769","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558769","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/57"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=558769"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558769\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":558772,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558769\/revisions\/558772"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/558696"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=558769"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=558769"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=558769"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}