{"id":558748,"date":"2026-03-23T14:30:33","date_gmt":"2026-03-23T11:30:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=558748"},"modified":"2026-03-23T14:30:33","modified_gmt":"2026-03-23T11:30:33","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-marxuum-maxamed-faarax-jiis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-marxuum-maxamed-faarax-jiis\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 16px;\">Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Jiis oo ka mid ahaa haldoorka ganacsatada Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku uu door muuqda ka soo qaatay dadaalladii lagu xoojinayay nabadda, dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku suntanaa waddaniyad, karti iyo dadaal joogto ah oo uu ugu soo adeegayay bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa uga tacsiyeynaa geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee Ganacsade Maxamed Faarax Jiis oo kamid ahaa haldoorka waddaniyiinta ah ee dhaqaalahooda u huray nabadeynta, dibu dhiska dalka, isku-keenidda bulshada kala irdhowday iyo xoojinta dowladnimada soomaaliyeed.&#8221;<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u weydiiyay marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka geeriyooday.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Jiis oo ka mid ahaa haldoorka ganacsatada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku uu door muuqda ka soo qaatay dadaalladii lagu xoojinayay nabadda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":558749,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-558748","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558748","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=558748"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":558750,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/558748\/revisions\/558750"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/558749"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=558748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=558748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=558748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}