{"id":557484,"date":"2026-02-27T16:49:20","date_gmt":"2026-02-27T13:49:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=557484"},"modified":"2026-02-27T16:49:20","modified_gmt":"2026-02-27T13:49:20","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-123","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-123\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Warbixinta Toddobaadlaha ee<br \/>\nDowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 27-ka February, 2026<\/p>\n<p>1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.<\/p>\n<p>2- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabka fogaan aragga ah kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Meertada 61-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka, isagoo xusay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta horumarka laga gaaray arrimaha la xiriira Xuquuqda Aadanaha, iyo wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah,<\/p>\n<p>3- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay mas\u2019uuliyiinta iyo howlwadeennada Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa ku dhiirrigaliyey dadaalkooda naf-hurka ah ee ay ugu adeegayaan qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>4- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan looga hadlay ajandayaasha qaran ee hor-u-tabinta leh la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>5- Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey ka doodista qaar ka mid ah cutubyada Dastuurka KMG ah.<\/p>\n<p>6- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo diiradda lagu saarey guulaha uu xiriirka labada dal ku tallaabsadey 15kii sanno ee la soo dhaafey.<\/p>\n<p>7- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa\u2019id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ka go\u2019antahay sii waddida wadahadalada arrimaha masiiriga, isaga oo tilmaamay in Golaha Mustaqbalka ay Gogasha uga baxeen kadib markii ay la yimaadeen ajande ka baxsan shirka.<\/p>\n<p>8- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa furay Tartanka Sanadlaha Heerka Qaran ee Xifdinta Qur\u2019aanka Kariimka, kaasi oo ay ku tartamayaan sanadkii 4-aad, arday ka kala socota Dowlad Goboleedyada dalka.<\/p>\n<p>9- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kormeeray dhismaha waddooyinka ee ka socda magaaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug<\/p>\n<p>10- Wasaaradaha Cadaaladda iyo Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wadahdley ilaalinta nidaamka sharci iyo horumarinta habka garsooridda kiisaska la xiriira ganacsiga.<\/p>\n<p>11- Wasaaradda Amniga ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku fartay Madaxda Hay\u2019adaha Dowladda in ay gawaaridooda ku xiraan taargooyinka si kor loogu qaado hubinta amniga.<\/p>\n<p>12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km oo laga hirgelinayo Galmudug.<\/p>\n<p>13- Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa shir Jaraa\u2019id oo wadajir ah ku qabtey magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay lacagaha baadda sharci darrada ah ee Khawaarijta xilligan oo kale isku dayaan in ay ka qaadaan ganacsatada.<\/p>\n<p>14- Hay\u2019adda NISA oo shaacisay in hawlgaladii u dambeeyey ee ay ka fulisay gobolada dalka iyada oo la kaashanaysa saaxiibada caalamka in ay ku dishay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.<\/p>\n<p>15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta ee Turkiga, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee dhinaca warbaahinta.<\/p>\n<p>16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday xarunta Hay\u2019adda SoDMA, isagoo ku baaqey in la iska kaashado gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee dalka ku dhaqan.<\/p>\n<p>17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa afur ugu sameeyay magaalada Muqdisho diblomaasiyiinta iyo wakillada ururrada caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>18- Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani\u2019aadannimada, ayaa qabtay shir jaraa\u2019id oo lagu shaaciyay in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.<\/p>\n<p>19- Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Muqtaar Cumar ayaa ka qeybgalay kulan weynaha Ururka Wakaaladaha Wararka ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay dalka Sacuudiga.<\/p>\n<p>20- Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa qaabilay Masuuliyiin ka socday Hay\u2019adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyagoo ka wadahadley xaaladda Abaaraha Soomaaliya iyo gurmadka loo baahan yahay xilligani.<\/p>\n<p>21- Hay\u2019adaha SoDMA, Oman Charity iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah deeq afurin ah ugu qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>22- Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyey amniga iyo horumarrada ka socda caasimadda Muqdisho, isagoo soo dhoweeyey go\u2019aannada Wasaaradda amniga iyo hay\u2019adaha ammaanka ee lagu xoojinayo hubinta amniga.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-557485 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487.jpg\" alt=\"\" width=\"1018\" height=\"1440\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487.jpg 1018w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199953487-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1018px) 100vw, 1018px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-557486 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082.jpg\" alt=\"\" width=\"1018\" height=\"1440\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082.jpg 1018w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199956082-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1018px) 100vw, 1018px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-557487 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478.jpg\" alt=\"\" width=\"1018\" height=\"1440\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478.jpg 1018w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199958478-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1018px) 100vw, 1018px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-557488 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120.jpg\" alt=\"\" width=\"1018\" height=\"1440\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120.jpg 1018w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1772199961120-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1018px) 100vw, 1018px\" \/><\/p>\n<p>==========DHAMMAAD============<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 27-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska. 2- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabka fogaan aragga ah kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Meertada 61-aad ee Golaha Xuquuqul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":514280,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-557484","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557484","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=557484"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557484\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":557489,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557484\/revisions\/557489"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514280"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=557484"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=557484"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=557484"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}