{"id":557317,"date":"2026-02-25T13:47:18","date_gmt":"2026-02-25T10:47:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=557317"},"modified":"2026-02-25T13:47:50","modified_gmt":"2026-02-25T10:47:50","slug":"qaar-ka-mid-ah-golaha-wasiirada-oo-faahfaahin-ka-bixiyeu-halka-uu-marayo-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/qaar-ka-mid-ah-golaha-wasiirada-oo-faahfaahin-ka-bixiyeu-halka-uu-marayo-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Qaar ka mid ah golaha wasiirada oo faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, isla markaana shacabka uga digay inay la macaamilaan Khawaarijta.<\/p>\n<p>Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirka Amniga, Wasiirka ganacsiga, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.<\/p>\n<p>Ugu horreyn, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay shacabka ku dhibaateeyaan lacago ay si qasab ah uga qaadaan. \u201cArgagixisadu waxay nagu dishaa maal ay ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed, mana aha wax sax ah,\u201d ayuu yiri wasiirku, isaga oo shacabka uga digay inay wax macaamil ah la yeeshaan khawaarijta.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiirka Amniga Mudane Cabdillaahi Fartaag ayaa caddeeyay in lacagaha ay qaadaan khawaarijtu aysan ahayn sako, balse ay yihiin baad sharci darro ah. \u201cWaa la caddeeyay inaysan sako ahayn waxa ay qaadaan khawaarijtu, waxaana ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka ganacsiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan bixinta lacago ay kooxdu ku sheegato canshuur. \u201cGanacsatada Soomaaliyeed ha iska ilaaliyaan kooxda khawaarijta lacagaha ay qaadayaan, iyagoo ku gabbanaya canshuur baad ah,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Cismaan Axmed ayaa si cad u sheegay in baadda ay qaadaan khawaarijtu aysan wax shaqo ah ku lahayn sakada Islaamka. \u201cBaadda ay qaadaan khawaarijtu ma aha sako,\u201d ayuu xusay.<\/p>\n<p>Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa mar kale adkeeyay in dowladda ay ka go\u2019an tahay ciribtirka kooxaha khawaarijta, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay\u2019adaha amniga si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, isla markaana shacabka uga digay inay la macaamilaan Khawaarijta. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirka Amniga, Wasiirka ganacsiga, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":557318,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-557317","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557317","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=557317"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557317\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":557320,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/557317\/revisions\/557320"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/557318"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=557317"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=557317"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=557317"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}