{"id":556860,"date":"2026-02-16T16:53:01","date_gmt":"2026-02-16T13:53:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=556860"},"modified":"2026-02-16T16:53:01","modified_gmt":"2026-02-16T13:53:01","slug":"wasiir-fiqi-oo-kulan-la-qaatay-danjiraha-shiinaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiir-fiqi-oo-kulan-la-qaatay-danjiraha-shiinaha\/","title":{"rendered":"Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada iyo awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":556861,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-556860","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556860","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=556860"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556860\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":556862,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556860\/revisions\/556862"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/556861"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=556860"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=556860"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=556860"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}