{"id":556136,"date":"2026-02-10T14:41:03","date_gmt":"2026-02-10T11:41:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=556136"},"modified":"2026-02-10T14:41:03","modified_gmt":"2026-02-10T11:41:03","slug":"nisa-oo-faahfaahin-ka-bixisay-howgal-lagu-dilay-dhagar-qabe-horjooge-ahaa-oo-ka-dhacay-jubbada-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/nisa-oo-faahfaahin-ka-bixisay-howgal-lagu-dilay-dhagar-qabe-horjooge-ahaa-oo-ka-dhacay-jubbada-dhexe\/","title":{"rendered":"NISA oo faahfaahin ka bixisay howgal lagu dilay dhagar qabe Horjooge ahaa oo ka dhacay Jubbada Dhexe"},"content":{"rendered":"<p>Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal si guul leh u dhacay, oo ay 8-dii bishan ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama.<\/p>\n<p>Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay\u2019adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Dhagar-qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta baadda iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu howlanaa uruurinta dhaqaale sharci-darro ah oo laga qaadayay muwaadiniin Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka baadda shacabka, xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan golaha shuurada, Horjoogaha qeybta marin-habaabinta, sidoo kale, intii uu cadowgu haystay magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha magaalada Kismaayo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal si guul leh u dhacay, oo ay 8-dii bishan ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama. Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":57,"featured_media":540717,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-556136","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556136","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/57"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=556136"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556136\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":556137,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556136\/revisions\/556137"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/540717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=556136"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=556136"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=556136"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}