{"id":555247,"date":"2026-02-01T12:32:30","date_gmt":"2026-02-01T09:32:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=555247"},"modified":"2026-02-01T15:10:08","modified_gmt":"2026-02-01T12:10:08","slug":"gudddoonka-bfs-oo-soo-saaray-goaanno-rasmi-ah-oo-la-xiriira-joojinta-fadhiyada-guud-ee-wadajirka-ah-ee-labada-aqal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/gudddoonka-bfs-oo-soo-saaray-goaanno-rasmi-ah-oo-la-xiriira-joojinta-fadhiyada-guud-ee-wadajirka-ah-ee-labada-aqal\/","title":{"rendered":"Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Qoraal kasoo baxay xafiisak Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole iyo Golaha Shacabka xildhibaanno\u00a0qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo qabsoomay 28-kii Janaayo 2026.<\/p>\n<p>Xildhibaannadaan ayaa lagu ganaaxay in aysan ka qaybgali Karin 12 kulan oo isugu jira fadhiyada guud ee labada Gole iyo kan gaarka u ah Golaha Shacabka, waxa uu ganaaxa ka billaabanayaa 2da Febaraayo 2026 oo berri ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacday fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale qoraal kasoo baxay\u00a0xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555248 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032.jpg\" alt=\"\" width=\"1290\" height=\"1782\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032.jpg 1290w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032-217x300.jpg 217w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032-741x1024.jpg 741w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032-768x1061.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032-1112x1536.jpg 1112w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937963032-860x1188.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1290px) 100vw, 1290px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555249 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468.jpg\" alt=\"\" width=\"1257\" height=\"1785\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468.jpg 1257w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468-211x300.jpg 211w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468-721x1024.jpg 721w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468-768x1091.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468-1082x1536.jpg 1082w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/FB_IMG_1769937965468-860x1221.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1257px) 100vw, 1257px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Qoraal kasoo baxay xafiisak Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole iyo Golaha Shacabka xildhibaanno\u00a0qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo qabsoomay 28-kii Janaayo 2026. Xildhibaannadaan ayaa lagu ganaaxay in aysan ka qaybgali Karin 12 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":546055,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-555247","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555247","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=555247"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555247\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":555282,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555247\/revisions\/555282"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546055"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=555247"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=555247"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=555247"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}