{"id":555118,"date":"2026-01-30T23:54:57","date_gmt":"2026-01-30T20:54:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=555118"},"modified":"2026-01-30T23:55:41","modified_gmt":"2026-01-30T20:55:41","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-120","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-120\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Warbixinta Toddobaadlaha ee<br \/>\nDowladda Federaalka Soomaaliy Muqdisho, Jimco, 30-ka January,2026<\/p>\n<p>1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika,kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ku qabsoomay qaab fogaan-arag ah, waxaana looga hadley Midnimada iyo Madaxbannaanida , Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada, Gurmadka Abaaraha iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka.<\/p>\n<p>3- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-Xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmu\u015f \u00dcn\u00fcvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>4- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub (EU), kuwaas oo u yimid xoojinta iskaashiga labada dhinac.<\/p>\n<p>5- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istraatiijiyadeed ee labada dal.<\/p>\n<p>6- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>7- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Akta\u015f.<\/p>\n<p>8- Ra&#8217;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.<\/p>\n<p>9- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE), isaga oo xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarshada.<\/p>\n<p>10- Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Bani\u2019aadannimo ee (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, OCHA iyo bah-wadaagta arrimaha gargaarka bani\u2019aadannimo.<\/p>\n<p>11- Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu gaareysay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.<\/p>\n<p>12- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S\/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.<\/p>\n<p>13- Xukuumadda Federaalka ayaa ku dhowaaqday in 1-da Febraayo 2026 uu magaalada Muqdisho ka furmi doono wada-hadal qaran oo taariikhi ah,taasoo dhinacyada siyaasada kuwada xaajoon donaan.<\/p>\n<p>14- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday lagu fududeynayo isu-socodka mas\u2019uuliyiinta labada dal.<\/p>\n<p>15- Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulan oo ay yeesheen ku ansixiyey Hindise-Sharciyeedka muhiimka ah ee Amniga Internetka (Cyber Security).<\/p>\n<p>16- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamka kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.<\/p>\n<p>17- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmu\u015f \u00dcn\u00fcvar.<\/p>\n<p>18- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani,iyadoo kulanka diirrada uu sarnaa iskaashiga dhaqaalaha ,warshadaha iyo xirirka ganacsi ee labada dal.<\/p>\n<p>19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay faragelin uu sheegay inay dowladda Israa\u2019iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya.<\/p>\n<p>20- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo Siyaasadda Macaahidda , Qaab-dhismeedka Manhajka , ayeynta Waxbarashada Diiniga ah ee dalka.<\/p>\n<p>21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqiayaa kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Se\u00e1n Clancy, oo booqasho ku yimid Soomaaliya.<\/p>\n<p>22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan heer sare ah oo miro-dhal ah magaalada Islamabad kula yeeshay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.<\/p>\n<p>23- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga jawaabtay hadallo ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada Guddiga La-socodka Dastuurka (OC), kuwaas oo su\u2019aal ka keenay hannaanka la-tashiga dadweynaha ee Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.<\/p>\n<p>24- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Turkiga.<\/p>\n<p>25- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.<\/p>\n<p>26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa\u2019uud Aweys Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay qorshe ballaaran ka leedahay dib-u-soo-nooleynta iyo horumarinta qaybta dalxiiska dalka.<\/p>\n<p>27- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Islamabad kulan muhiim ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay\u2019adda Diiwaangelinta iyo Kaydinta Xogta Qaranka ee Pakistan (NADRA).<\/p>\n<p>28- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.<\/p>\n<p>29- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan dhiirigelin ah kula yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.<\/p>\n<p>30- Wasiir-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya qaybaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka.<\/p>\n<p>31- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale, ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.<\/p>\n<p>32- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal qorsheysan la fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ,ayaa dilay Timaweyne oo kooxda Khawaarijta u qabilsanaa dhibaateynya shacabka degaanka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555120 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806126802.jpg\" alt=\"\" width=\"785\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806126802.jpg 785w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806126802-218x300.jpg 218w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806126802-744x1024.jpg 744w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806126802-768x1057.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 785px) 100vw, 785px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555121 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806129160.jpg\" alt=\"\" width=\"771\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806129160.jpg 771w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806129160-214x300.jpg 214w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806129160-731x1024.jpg 731w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806129160-768x1076.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 771px) 100vw, 771px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555122 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806131879.jpg\" alt=\"\" width=\"775\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806131879.jpg 775w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806131879-215x300.jpg 215w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806131879-735x1024.jpg 735w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806131879-768x1070.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 775px) 100vw, 775px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555123 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806134324-1.jpg\" alt=\"\" width=\"779\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806134324-1.jpg 779w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806134324-1-216x300.jpg 216w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806134324-1-739x1024.jpg 739w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806134324-1-768x1065.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 779px) 100vw, 779px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555124 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806137182.jpg\" alt=\"\" width=\"783\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806137182.jpg 783w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806137182-218x300.jpg 218w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806137182-742x1024.jpg 742w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806137182-768x1059.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 783px) 100vw, 783px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-555125 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806139541.jpg\" alt=\"\" width=\"780\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806139541.jpg 780w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806139541-217x300.jpg 217w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806139541-740x1024.jpg 740w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769806139541-768x1063.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 780px) 100vw, 780px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliy Muqdisho, Jimco, 30-ka January,2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika,kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ku qabsoomay qaab [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":514805,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-555118","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=555118"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":555126,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/555118\/revisions\/555126"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514805"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=555118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=555118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=555118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}