{"id":554680,"date":"2026-01-27T17:11:19","date_gmt":"2026-01-27T14:11:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=554680"},"modified":"2026-01-27T17:11:19","modified_gmt":"2026-01-27T14:11:19","slug":"wasaaradda-cadaaladda-iyo-dastuurka-oo-ka-jawaabtay-hadallo-ka-yimid-xildhibaanada-qaarkood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-cadaaladda-iyo-dastuurka-oo-ka-jawaabtay-hadallo-ka-yimid-xildhibaanada-qaarkood\/","title":{"rendered":"Wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka oo ka jawaabtay hadallo ka yimid Xildhibaanada qaarkood"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka (OC), kuwaas oo la xiriira hanaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Cutubyada Shanaad ilaa Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay\u2019adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubaland ay ka qeybgashay.<\/p>\n<p>Iyadoo ay taasi jirto, hay\u2019adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay.<\/p>\n<p>Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay mar kale adkaynaysaa in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi\u2019da dastuuriga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka (OC), kuwaas oo la xiriira hanaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Cutubyada Shanaad ilaa Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":546038,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-554680","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554680","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=554680"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554680\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":554681,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554680\/revisions\/554681"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546038"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=554680"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=554680"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=554680"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}