{"id":554195,"date":"2026-01-21T19:30:21","date_gmt":"2026-01-21T16:30:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=554195"},"modified":"2026-01-21T20:29:08","modified_gmt":"2026-01-21T17:29:08","slug":"guddoomiyaha-gobolka-banaadir-oo-kulan-la-yeeshay-safiirka-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-gobolka-banaadir-oo-kulan-la-yeeshay-safiirka-turkiga\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo isku xirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga.<\/p>\n<p>Intii uu socday kulanka, labada mas&#8217;uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay kaalinta ay Dowladda Turkigu ka qaadan karto dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo mudnaanta la siiyay dhammeystirka waddooyinka halbowlaha ah ee dhiman, hirgelinta nidaamka bullaacadaha, horumarinta bilicda magaalada, tababaridda shaqaalaha maamulka, iyo kor-u-qaadista adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.<\/p>\n<p>Safiirka Dowladda Turkiga, Mudane Alper Akta\u015f, ayaa ballanqaaday in Turkigu door muuqda ka qaadan doono garab istaagga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaaliya, mar walbana garab taagan yahay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha jira, xilli uu dalka ku jiro marxalad soo kabasho iyo dib-u-dhis.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu fure u yahay horumar waara oo laga hirgeliyo Caasimadda, kaasi oo horseeda in la sii tayeeyo adeegyada ay horraanba helayeen shacabka ku nool Muqdisho.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan iyo agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-554196\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012736859.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-554197\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012739041.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-554198\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/FB_IMG_1769012733239.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":554198,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-554195","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554195","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=554195"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554195\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":554199,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/554195\/revisions\/554199"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/554198"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=554195"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=554195"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=554195"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}