{"id":552569,"date":"2025-12-29T17:02:52","date_gmt":"2025-12-29T14:02:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=552569"},"modified":"2025-12-29T18:16:58","modified_gmt":"2025-12-29T15:16:58","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-dhigiisa-jabuuti-kala-hadlay-difaaca-midnimada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-dhigiisa-jabuuti-kala-hadlay-difaaca-midnimada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhigiisa Jabuuti kala hadlay difaaca midnimada Soomaaliya\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Jabuuti (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.<\/p>\n<p>Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa\u2019diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.<\/p>\n<p>Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go\u2019aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-552570\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016791410.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-552571\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016793364.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-552572\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1767016796698.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jabuuti (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":552572,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-552569","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552569","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=552569"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552569\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":552573,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552569\/revisions\/552573"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/552572"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=552569"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=552569"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=552569"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}