{"id":552420,"date":"2025-12-28T09:16:44","date_gmt":"2025-12-28T06:16:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=552420"},"modified":"2025-12-28T09:17:48","modified_gmt":"2025-12-28T06:17:48","slug":"howlgal-ka-dhan-ah-khawaarijta-oo-ka-dhacay-gobolka-galguduud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/howlgal-ka-dhan-ah-khawaarijta-oo-ka-dhacay-gobolka-galguduud\/","title":{"rendered":"Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud.<\/p>\n<p>Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.<br \/>\nIntii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno ka sameeyay tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna shacabka deegaanka u helaan nolol nabdoon.<\/p>\n<p>Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu ku wiiqayaan khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud. Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb. Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":552421,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-552420","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552420","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=552420"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552420\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":552423,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/552420\/revisions\/552423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/552421"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=552420"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=552420"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=552420"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}