{"id":550751,"date":"2025-12-11T16:37:26","date_gmt":"2025-12-11T13:37:26","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=550751"},"modified":"2025-12-12T08:41:17","modified_gmt":"2025-12-12T05:41:17","slug":"guddiyada-maaliyadda-ee-2-da-aqal-oo-kulan-la-qaatay-wasiirrada-xfs-iyo-madaxda-hayadaha-dowladda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddiyada-maaliyadda-ee-2-da-aqal-oo-kulan-la-qaatay-wasiirrada-xfs-iyo-madaxda-hayadaha-dowladda\/","title":{"rendered":"Guddiyada Maaliyadda ee 2-da Aqal oo kulan la qaatay Wasiirrada XFS iyo Madaxda Hay\u2019adaha Dowladda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira korjoogtaynta maaliyadda Qaranka iyo hubinta hannaanka isla-xisaabtanka hay\u2019adaha dowladda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>Kulanka oo qayb ka ahaa hawlaha joogtada ah ee Baarlamaanka ee lagu hubinayo in hab-maaliyadeedka dowladda uu u socdo si hufan, isla markaana dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo Qasnadda Guud iyo in in laga jawaabo lacagaha ay qabaan hay\u2019adaha qaarkood oo aan ku dhicin qasnadda Guud, inta ay le\u2019egyihiin dhaqaalahaasi iyo In la fahmo sababaha keena in dakhligu uusan si buuxda ugu wareegin qasnadda dowladda iyo qiimayn kale oo ku saabsanayd hannaanka hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay\u2019adaha maanta loo yeeray.<\/p>\n<p>Xubanaha masuliyiinta maanta loo yeeray oo ay hoggaaminayeen Wasiirradaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Saadaasha Hawada, ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah wax looga waydiiyay su\u2019aalo cadcad oo qeexaya sida loo diiwaangeliyo dakhliga ka soo xarooda adeegyada wasaaradaha iyo hay\u2019adaha la xiriira, qabashada khidmadaha adeegyada gaarka ah iyo sida loo maamulo iyo su&#8217;aalo kale oo muhim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen dhammaan su\u2019aalihii la waydiiyay xubnihii loo yeeray.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee u dhexeeya hay\u2019adaha fulinta iyo golayaasha sharci-dejinta, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo maamul-wanaag maaliyadeed. Waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan dabagalka iyo kormeerka ilaa laga hubinayo in dhammaan dakhliga dowladda lagu hago nidaamka rasmiga ah ee Qasnadda Guud.Waxaana kulanka maanta si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiyada Maaliyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550753 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1315\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469-300x193.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469-1024x658.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469-768x493.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469-1536x986.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459904469-860x552.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550754 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1366\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459928673-1-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550755 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1385\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412-300x203.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412-1024x693.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412-768x519.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412-1536x1039.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459947412-860x582.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550756 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1416\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863-300x207.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863-1024x708.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863-768x531.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863-1536x1062.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459942863-860x595.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550757 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1488\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770-300x218.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770-1024x744.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770-768x558.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770-1536x1116.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459937770-860x625.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550758 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1366\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1765459933074-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira korjoogtaynta maaliyadda Qaranka iyo hubinta hannaanka isla-xisaabtanka hay\u2019adaha dowladda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan hay\u2019adaha dowladda. Kulanka oo qayb ka ahaa hawlaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":550752,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-550751","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550751","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=550751"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550751\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":550803,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550751\/revisions\/550803"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/550752"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=550751"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=550751"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=550751"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}