{"id":550745,"date":"2025-12-11T14:38:55","date_gmt":"2025-12-11T11:38:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=550745"},"modified":"2025-12-11T14:46:32","modified_gmt":"2025-12-11T11:46:32","slug":"r-wasaaraha-xfs-oo-qaabilay-safiirka-sacuudiga-u-fadhiya-dalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/r-wasaaraha-xfs-oo-qaabilay-safiirka-sacuudiga-u-fadhiya-dalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"R\/Wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Dalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad<\/p>\n<p>Kulankaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, Dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Arabia ka taageerto Soomaaliya iyo doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gargaar bani\u2019aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go\u2019an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa Ra\u2019iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo masuuliyiin kale.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad Kulankaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, Dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Arabia ka taageerto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":550746,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-550745","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550745","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=550745"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550745\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":550747,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550745\/revisions\/550747"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/550746"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=550745"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=550745"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=550745"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}