{"id":550568,"date":"2025-12-09T13:42:18","date_gmt":"2025-12-09T10:42:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=550568"},"modified":"2025-12-09T13:52:56","modified_gmt":"2025-12-09T10:52:56","slug":"ciidanka-danab-oo-deegaanka-towfiiq-ku-qabtay-laba-dhagar-qabe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidanka-danab-oo-deegaanka-towfiiq-ku-qabtay-laba-dhagar-qabe\/","title":{"rendered":"Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.<\/p>\n<p>Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-550569 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/YYYYYYYYY.jpeg\" alt=\"\" width=\"724\" height=\"1024\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/YYYYYYYYY.jpeg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/YYYYYYYYY-212x300.jpeg 212w\" sizes=\"auto, (max-width: 724px) 100vw, 724px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka. Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":58,"featured_media":550570,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-550568","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550568","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/58"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=550568"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550568\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":550578,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550568\/revisions\/550578"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/550570"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=550568"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=550568"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=550568"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}