{"id":550070,"date":"2025-12-03T17:26:54","date_gmt":"2025-12-03T14:26:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=550070"},"modified":"2025-12-03T17:26:54","modified_gmt":"2025-12-03T14:26:54","slug":"diiwaangelinta-codbixiyaasha-doorashada-oo-si-dardar-leh-uga-socota-balcad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/diiwaangelinta-codbixiyaasha-doorashada-oo-si-dardar-leh-uga-socota-balcad\/","title":{"rendered":"Diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada oo si dardar leh uga socota Balcad"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ah ayaa si habsami leh uga socota Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana maanta isdiiwaangeliyay Guddoomiyihii hore ee degmada Maxamuud Xuseen Gudbaaye.<\/p>\n<p>Gudbaaye oo la hadlay warbaahinta xilliga uu qaadanayey shahaadadiisa diiwaangelinta\u060c ayaa sheegay in dib u bilaabashada doorashooyinka qof iyo cod ah ee Balcad ay tahay \u201cGuul taariikhi ah oo 57 sano kadib shacabka degmada u suurtagashay.\u201d Waxa uu intaa ku daray in dadaalka lagu dhisayo dowladnimada uu mar walba ka imaan jiray halgan iyo go\u2019aan mideysan oo bulshada Soomaaliyeed ay qaateen.<\/p>\n<p>Diiwaangelinta Balcad ayaa qayb ka ah hawsha guud ee dalka looga hirgelinayo nidaamka doorashada qof iyo cod ah\u060c iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu horey u sheegay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir\u060c taas oo u gogol-xaaraysa marxalad cusub oo ku dhisan hufnaan iyo ka-qaybgal bulsho.<\/p>\n<p>Doorashooyinka deegaanka ayaa muhiim u ah dhismaha nidaamka dowlad-dhiska hoose\u060c iyadoo qorsheynta horumarinta iyo adeegyada bulshada ay ku tiirsan yihiin golayaal si toos ah loo soo doorto. Hirgelinta nidaamkan cusub ee codbixinta ayaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo dhoweeyo shacabka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ah ayaa si habsami leh uga socota Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana maanta isdiiwaangeliyay Guddoomiyihii hore ee degmada Maxamuud Xuseen Gudbaaye. Gudbaaye oo la hadlay warbaahinta xilliga uu qaadanayey shahaadadiisa diiwaangelinta\u060c ayaa sheegay in dib u bilaabashada doorashooyinka qof iyo cod ah ee Balcad ay tahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":550071,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-550070","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550070","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=550070"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550070\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":550093,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/550070\/revisions\/550093"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/550071"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=550070"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=550070"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=550070"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}