{"id":549961,"date":"2025-12-02T21:24:15","date_gmt":"2025-12-02T18:24:15","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549961"},"modified":"2025-12-02T21:24:15","modified_gmt":"2025-12-02T18:24:15","slug":"guddiga-adeegga-bulshada-ee-aqalka-sare-oo-kormeeray-xarunta-guddiga-shaqaaha-rayidka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddiga-adeegga-bulshada-ee-aqalka-sare-oo-kormeeray-xarunta-guddiga-shaqaaha-rayidka\/","title":{"rendered":"Guddiga adeegga bulshada ee Aqalka sare oo kormeeray xarunta guddiga shaqaaha rayidka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddiga horumarinta Adeegga Bulshada, arrimaha Bani\u2019aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo gudanaya waajibaadkooda la xiriira korjoogtaynta iyo la xisaabtanka hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>Kormeerka waxaa diiradda lagu saaray hannaanka shaqo ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.<\/p>\n<p>Xubnaha guddiga waxay warbixin guud ka dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Xasan Abshir Maxamed, iyagoo su\u2019aalo ka weydiiyay arrimaha shaqaalaha, tayeynta xirfadda, wada-shaqeynta hay\u2019adaha dowladda, habraacyada kala beddelka iyo shaqo-gelinta, iyo arrimo kale oo la xiriira maamulka shaqaalaha rayidka.<\/p>\n<p>Intaa kaddib, xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Cismaan Maxamed Maxamuud (Dufle), ayaa kormeer ku sameeyey waaxyaha muhiimka ah sida maamulka, tirakoobka, tababarka, qorsheynta, iyo diiwaangelinta, si ay u qiimeeyaan hufnaanta iyo habsami-u-socodka shaqada Guddiga.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Guddoomiye Dufle ayaa sheegay in shaqaalaha rayidku yihiin laf-dhabarka iyo mishiinka dhaqaajiya howlaha dowladda, isla markaana wuxuu maamulka iyo shaqaalaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku bogaadiyay dadaalkooda, kuna dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlaha lagu horumarinayo shaqaalaha rayidka ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-549962\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-1024x717.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"717\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-1024x717.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-300x210.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-768x537.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-1536x1075.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472-860x602.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699632472.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-549963\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-1024x700.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"700\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-1024x700.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-300x205.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-768x525.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-1536x1049.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221-860x587.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699626221.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-549964\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-1024x743.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"743\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-1024x743.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-300x218.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-768x557.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-1536x1115.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300-860x624.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/FB_IMG_1764699619300.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddiga horumarinta Adeegga Bulshada, arrimaha Bani\u2019aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo gudanaya waajibaadkooda la xiriira korjoogtaynta iyo la xisaabtanka hay\u2019adaha dowladda. Kormeerka waxaa diiradda lagu saaray hannaanka shaqo ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Xubnaha guddiga waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":549964,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549961","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549961","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549961"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549961\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549965,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549961\/revisions\/549965"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549964"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549961"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549961"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549961"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}