{"id":549391,"date":"2025-11-24T11:40:22","date_gmt":"2025-11-24T08:40:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549391"},"modified":"2025-11-24T15:14:54","modified_gmt":"2025-11-24T12:14:54","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-daah-furay-shirweynaha-2-aad-ee-hayadda-aqoonsiga-iyo-diiwaangelinta-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-oo-daah-furay-shirweynaha-2-aad-ee-hayadda-aqoonsiga-iyo-diiwaangelinta-qaranka\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay\u2019adda Aqoonsiga (NIRA)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay Qorshaha Isbeddelka Qarank iyo Hiigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay Aqoonsiga Qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta nidaamkaan casriga ah,\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa.<\/p>\n<p>Waxa uu carrabka ku adkeeyay Ra\u2019iisul Wasaaruhu in dhammaan hey\u2019adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta xogta.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nidaamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey howladeennada iyo maamulka hey\u2019adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen muddada kooban.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali, isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Kaarka Aqoonsiga ka sokoor lasoo kordhin doono Nidaamka Diiwaangelinta Madaniga ah, gaar ahaan marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.<\/p>\n<p>Sidoo kale Maareeyaha Hey\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay\u2019addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-549392\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0150.jpg 870w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-549393\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0149.jpg 870w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-549394\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0148.jpg 870w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-549395\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/IMG-20251124-WA0147.jpg 870w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed. Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":549393,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549391","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549391","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549391"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549391\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549446,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549391\/revisions\/549446"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549393"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549391"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549391"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549391"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}