{"id":549383,"date":"2025-11-24T10:16:53","date_gmt":"2025-11-24T07:16:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549383"},"modified":"2025-11-24T10:52:46","modified_gmt":"2025-11-24T07:52:46","slug":"shirweynaha-3-aad-ee-culimada-soomaaliyeed-oo-goorhaw-ka-furmaya-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shirweynaha-3-aad-ee-culimada-soomaaliyeed-oo-goorhaw-ka-furmaya-muqdisho\/","title":{"rendered":"Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.<\/p>\n<p>Inta uu socdo shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sida bulshada loogu baraarujin karo muhiimadda iyo faa\u2019iidada ay leedahay midnimadu.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Ibraahim Aadan Nadaara, oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayo arrimaha ku saabsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka qeybgalaysa shirka ayaa la hadlay warbaahinta Qaranka.<\/p>\n<p>Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: \u201cMarna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darro ah isku dilaan.\u201d<\/p>\n<p>Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: \u201cCulimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaa\u2019ilka.\u201d<\/p>\n<p>Sheekh Usuuli: \u201cShirweynahan sanadkan wuxuu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.\u201d<\/p>\n<p>Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Diinle: \u201cCulimada Soomaaliyeed aad bay uga xun yihiin in maanta dadkeenna ay isku laayaan qabyaalad iyo qabaa\u2019il.\u201d<\/p>\n<p>Shirkan wuxuu imaanayaa xilli maalmihii dambe culimada Soomaaliyeed ay Muqdisho iyo gobollada dalka ka wadeen wacyigelin la xiriirta colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool qeybo ka mid ah dalka. Waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada wacyigelineed ee culimadu ay wadaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<div id=\"_r_5fd_\" class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl x1n2onr6\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl x1n2onr6\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl x78zum5 xdt5ytf x6ikm8r x10wlt62 x1n2onr6\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl x6ikm8r x10wlt62 x1n2onr6\">\n<div class=\"x1n2onr6\">\n<div class=\"x6s0dn4 x1jx94hy x78zum5 xdt5ytf x6ikm8r x10wlt62 x1n2onr6 xh8yej3\">\n<div>\n<div class=\"xqtp20y x6ikm8r x10wlt62 x1n2onr6\">\n<div class=\"x10l6tqk x13vifvy\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x1ey2m1c x5yr21d xtijo5x x1o0tod x10l6tqk x13vifvy xh8yej3\" data-visualcompletion=\"ignore\">\n<div class=\"x1lliihq x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3 x1ja2u2z\">\n<div class=\"x1lliihq x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3 x1ja2u2z\">\n<div class=\"x1lliihq x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3 x1ja2u2z\">\n<div class=\"x1lliihq x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3 x1ja2u2z\">\n<div class=\"x1lliihq x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3 x1ja2u2z\">\n<div class=\"x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3\">\n<div class=\"x5yr21d x1n2onr6 xh8yej3\">\n<div class=\"x5yr21d x1uhb9sk xh8yej3\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div data-instancekey=\"id-vpuid-f3aad87ba00ffbe4c\">\n<div class=\"x5yr21d x10l6tqk x13vifvy xh8yej3\" data-visualcompletion=\"ignore\">\n<div class=\"xc9qbxq xbudbmw x10l6tqk xwa60dl x11lhmoz x14qfxbe xg01cxk x13dflua x1jl3cmp xl405pv xlshs6z x1ahifba\"><\/div>\n<div class=\"xu1mrb xh8yej3\"><\/div>\n<div class=\"x6s0dn4 x78zum5 x5yr21d xh8yej3\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale. Inta uu socdo shirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":549389,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549383","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549383","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549383"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549383\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549390,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549383\/revisions\/549390"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549389"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549383"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549383"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549383"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}