{"id":549368,"date":"2025-11-23T21:48:24","date_gmt":"2025-11-23T18:48:24","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549368"},"modified":"2025-11-23T21:48:24","modified_gmt":"2025-11-23T18:48:24","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-magacaabay-ergayga-gaarka-ah-ee-la-dagaalanka-fikradda-xagjirka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-magacaabay-ergayga-gaarka-ah-ee-la-dagaalanka-fikradda-xagjirka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:<\/p>\n<p>Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga &amp; La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P\/CVE).<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas\u2019uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:<br \/>\n\u2022 Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada<br \/>\n\u2022 Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata<br \/>\n\u2022 Horumarinta iskaashiga bulshada &amp; hay\u2019adaha amniga<br \/>\n\u2022 Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P\/CVE<\/p>\n<p>Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay\u2019adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday: Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga &amp; La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P\/CVE). Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas\u2019uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona: \u2022 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":549369,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549368","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549368","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549368"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549368\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549370,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549368\/revisions\/549370"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549369"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549368"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549368"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549368"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}