{"id":549274,"date":"2025-11-23T09:36:01","date_gmt":"2025-11-23T06:36:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549274"},"modified":"2025-11-23T09:54:32","modified_gmt":"2025-11-23T06:54:32","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-soomaaliya-oo-la-kulmay-dhiggiisa-pakistan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-arrimaha-dibadda-soomaaliya-oo-la-kulmay-dhiggiisa-pakistan\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, xilli uu socday Shirka 4-aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific oo ka furmay magaalada Brussels.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee soo kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen in labada dal ay ka dhaxeeyaan xiriir walaaltinimo, iskaashi taariikhi ah iyo dano wadaag ah.<\/p>\n<p>Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodda hay\u2019adaha dowladda, si loo gaaro horumar waara oo labada dal dan u ah.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii joogteeyo wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, lana abuuro fursado cusub oo kor u qaada xiriirka labada dal.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-549275 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702.jpg\" alt=\"\" width=\"1200\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702.jpg 1200w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702-225x300.jpg 225w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702-768x1024.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702-1152x1536.jpg 1152w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879455702-860x1147.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-549276\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535-860x484.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763879452535.jpg 1285w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, xilli uu socday Shirka 4-aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific oo ka furmay magaalada Brussels. Kulanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":549275,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549274","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549274","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549274"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549274\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549278,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549274\/revisions\/549278"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549275"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549274"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549274"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549274"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}