{"id":549069,"date":"2025-11-20T14:13:26","date_gmt":"2025-11-20T11:13:26","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=549069"},"modified":"2025-11-20T14:13:26","modified_gmt":"2025-11-20T11:13:26","slug":"shirka-khamiislaha-ee-golaha-wasiirrada-oo-maanta-diiradda-lagu-saary-abaarta-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shirka-khamiislaha-ee-golaha-wasiirrada-oo-maanta-diiradda-lagu-saary-abaarta-dalka\/","title":{"rendered":"Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada oo Maanta Diiradda Lagu Saary Abaarta Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoomiyay Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Intii uu shirka socday, Guddoomiye Maxamuud Macallin wuxuu Golaha uga soo bandhigay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha dowladda ay ugu diyaar garowday ka jawaabista xaaladda abaarta dalka ka jirta.<\/p>\n<p>Warbixinta loo gudbiyay Golaha Wasiirrada ayaa muujineysa in illaa 4.4 milyan oo qof ay hadda wajahayaan xaalad deg-deg ah oo ay u baahan yihiin gargaar bini\u2019aadannimo, iyadoo SoDMA iyo bah-wadaagta ay si hagar la\u2019aan ah uga shaqeynayaan badbaadinta nolosha dadka ay abaartu saameysay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan hay\u2019adaha dowladda ee ay khuseyso in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha shacabka, isla markaana la kordhiyo dadaallada gurmadka si wax looga qabto saameynta baahsan ee abaarta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoomiyay Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre. Intii uu shirka socday, Guddoomiye Maxamuud Macallin wuxuu Golaha uga soo bandhigay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha dowladda ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":549070,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-549069","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549069","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=549069"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549069\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":549071,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/549069\/revisions\/549071"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/549070"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=549069"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=549069"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=549069"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}