{"id":548914,"date":"2025-11-18T14:15:18","date_gmt":"2025-11-18T11:15:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=548914"},"modified":"2025-11-18T14:15:18","modified_gmt":"2025-11-18T11:15:18","slug":"raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-furay-shirweynaha-labaad-ee-qiimeynta-iyo-kormeerka-qaran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-furay-shirweynaha-labaad-ee-qiimeynta-iyo-kormeerka-qaran\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey\u2019adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey\u2019adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.<\/p>\n<p>Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey\u2019adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaadiyey guulaha siyaasadeed iyo horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya gaartay, iyaga oo muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay taageerada iyo garab istaagga hey\u2019adaha dawliga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey\u2019adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan. Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":548915,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-548914","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548914","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=548914"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548914\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":548917,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548914\/revisions\/548917"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/548915"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=548914"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=548914"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=548914"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}