{"id":548884,"date":"2025-11-18T09:21:35","date_gmt":"2025-11-18T06:21:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=548884"},"modified":"2025-11-18T09:21:57","modified_gmt":"2025-11-18T06:21:57","slug":"guddoomiyaha-sodma-oo-shir-heer-qaran-ku-soo-xiray-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-sodma-oo-shir-heer-qaran-ku-soo-xiray-muqdisho\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka.<\/p>\n<p>Shirka oo socday muddo saddex maalin ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka.<\/p>\n<p>Daahfurka Istaraatijiyaddan Qaranka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta aafooyinka iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah oo badbaadin kara nolosha iyo hantida bulshada.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin sare oo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyay hadallo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay ruuxa iskaashiga ah isla markaana xaqiijiyay taageeradooda sii socota ee lagu xoojinayo hawlgelinta hore ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isaga oo sheegay in khariiddadan ay tahay natiijada shaqo farsamo oo qoto dheer, wadatashi Qaran iyo iskaashi xooggan oo dhexmaray Hay\u2019adaha dowladda, IGAD, iyo bah-wadaagta. Khariiddada waxaa lagu taageeray mashruuca SCALAA oo ay maalgelisay DG ECHO, waxaana fulinaya WFP, FAO, IFRC, DRC iyo ICPAC.<\/p>\n<p>Geeddi-socodkan wuxuu muujinayaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ku aaddan diyaar-garow la saadaalin karo, la isku waafaqsan yahay, kana fog xasaradaha.<\/p>\n<p>Bilihii lasoo dhaafay, waxaa la qabtay wadatashiyo heer Qaran ah, falanqeyn farsamo, iyo kulamo dib-u-eegis ah oo ay ka qayb galeen Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro ka kala socday hay\u2019adaha bani\u2019aadamnimo iyo kuwa horumarinta. Kulamadan waxay xaqiijiyeen in khariiddadu ku saleysan tahay caddeyn ay la jaanqaadaysay xaaladda dalka, isla markaana ay si buuxda ugu habboon tahay baahiyaha jira.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka. Shirka oo socday muddo saddex maalin ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":548885,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-548884","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548884","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=548884"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548884\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":548887,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548884\/revisions\/548887"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/548885"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=548884"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=548884"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=548884"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}