{"id":548837,"date":"2025-11-17T11:13:31","date_gmt":"2025-11-17T08:13:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=548837"},"modified":"2025-11-17T11:13:31","modified_gmt":"2025-11-17T08:13:31","slug":"guddoomiyaha-hayadda-qaxootiga-oo-ka-qeybgalay-shir-looga-hadlayo-arrimaha-barakacayaasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-hayadda-qaxootiga-oo-ka-qeybgalay-shir-looga-hadlayo-arrimaha-barakacayaasha\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Hay\u2019adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo \u201cIlaalinta iyo Xalka Waara\u201d ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.<\/p>\n<p>Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay\u2019ado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka dhashay qiimeyn iyo dabagal muddo bilooyin ah socday, kuwaas oo diiradda lagu saarayey guulaha laga gaaray mashaariicda sannadkan soo dhammaanaya ee \u201cIlaalinta iyo Xalka Waara\u201d, iyo caqabadaha weli ka jira dalalka IGAD.<\/p>\n<p>Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahay, gaar ahaan:<\/p>\n<p>Saameynta ka dhalatay hoos u dhaca kaalmada bini\u2019aadannimo.<\/p>\n<p>Dhibaatada sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tirada barakacayaasha oo sii badanaysa.<\/p>\n<p>Horumarka muhiimka ah ee laga gaaray meelmarinta Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Gudaha.<\/p>\n<p>Wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku amaanay dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-548838\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366921857-300x188.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"188\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366921857-300x188.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366921857-768x482.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366921857-860x539.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366921857.jpg 1000w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-548839\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366919263-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366919263-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366919263-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366919263-860x645.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366919263.jpg 1000w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-548840\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366916579-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366916579-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366916579-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366916579-860x484.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/FB_IMG_1763366916579.jpg 1000w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo \u201cIlaalinta iyo Xalka Waara\u201d ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay\u2019ado caalami ah iyo diblomaasiyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":548838,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-548837","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548837","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=548837"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548837\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":548841,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/548837\/revisions\/548841"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/548838"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=548837"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=548837"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=548837"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}