{"id":547973,"date":"2025-11-05T18:09:11","date_gmt":"2025-11-05T15:09:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=547973"},"modified":"2025-11-05T18:09:11","modified_gmt":"2025-11-05T15:09:11","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-guddoomay-haddiyad-ka-timid-matxafka-nabadda-soomaaliya-ee-carta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamse-oo-guddoomay-haddiyad-ka-timid-matxafka-nabadda-soomaaliya-ee-carta\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamse oo guddoomay haddiyad ka timid Matxafka nabadda Soomaaliya ee Carta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Bare guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.<\/p>\n<p>Wasiir Daauud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre warbixin ka siiyey marxaladii uu soo maray Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta ee ay 30kii bishii October wadajir u daah fureen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , Mudane Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo Wasiirku uu si gaar ah Ra\u2019iisul Wasaaraha warbixin uga siiyey doorkii qalabeynta iyo qabanqaabada munaasabadda ay Wasaaraddu ku laheyd.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey hirgelinta Matxafka taariikhiga ah ee Carta oo bilowgii booqashadiisa ay ka dhalatay aragtida ah in taallo laga dhiso, waxaana uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku laheyd qalabeynta iyo furitaanka Matxafka oo lagu daah furay 25- guurrradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta oo sanadkii 2000 lagu qabtay gobolka Carta ee Dalka Jabuuti.<\/p>\n<p>Gebagebadii, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa guddoonsiiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre haddiyadaha ay ugu talagaleen guddigii dhismaha iyo qalabeynta Matxafka ama Taalada Nabadda Carta ee uu Guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jamhuuriyadda Djibouti mudane Yoonis Cali Guedi .<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Bare guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd. Wasiir Daauud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra\u2019iisul Wasaaraha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":547974,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-547973","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547973","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=547973"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547973\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":547975,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547973\/revisions\/547975"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/547974"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=547973"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=547973"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=547973"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}