{"id":547942,"date":"2025-11-05T13:19:36","date_gmt":"2025-11-05T10:19:36","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=547942"},"modified":"2025-11-05T13:35:12","modified_gmt":"2025-11-05T10:35:12","slug":"wasaaradda-gaashaandhigga-oo-soo-bandhigtay-warbixin-ku-saabsan-guulihii-laga-gaaray-daglaaka-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-gaashaandhigga-oo-soo-bandhigtay-warbixin-ku-saabsan-guulihii-laga-gaaray-daglaaka-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulihii laga gaaray daglaaka Khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu tilmaamay in sanadkan ay ciidamadu fuliyeen howlgallo iyo duqeymo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka horjeediyay Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in tan iyo billowgii sanadkan la fuliyay 220 duqeyn lagu dilayna 868 xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jiraan 52 horjooge.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Muqdisho, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo lagu xoojiyay la-dagaallanka cadowga.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamka si loo helo taageero buuxda oo ku saabsan tababarka, duqeymaha istaraatiijiga ah iyo qalabka lagu xoojiyo ciidamada qaranka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan wada-shaqeyn wanaagsan la yeelanay saaxiibada caalamka, si ay garab buuxa nooga siiyaan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo u badan ajaanib dalkeena kusoo duulay,\u201d ayuu yiri Wasiir Fiqi<\/p>\n<p>Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo billaabay dib-u-habeynta ciidamada, si loo helo ciidan awood u leh difaaca dalka.<\/p>\n<p>Wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022\u20132025 la fuliyay howlgallada \u201cKaaha Waaberi\u201d iyo \u201cIleys\u201d, kuwaas oo lagu daciifiyay awoodda Khawaarijta.<\/p>\n<p>Taliyuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Shabeellada hoose ay ciidamada qaranku ku dileen boqolaal ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal iyo malleeshiyaad, intii lagu jiray howlgalladii ugu dambeeyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu tilmaamay in sanadkan ay ciidamadu fuliyeen howlgallo iyo duqeymo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka horjeediyay Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in tan iyo billowgii sanadkan la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":547948,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-547942","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547942","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=547942"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547942\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":547944,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547942\/revisions\/547944"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/547948"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=547942"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=547942"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=547942"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}