{"id":547784,"date":"2025-11-03T11:41:41","date_gmt":"2025-11-03T08:41:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=547784"},"modified":"2025-11-03T12:07:34","modified_gmt":"2025-11-03T09:07:34","slug":"maareeyaha-hayadda-aqoonsiga-qaranka-oo-ka-hadlay-tabashada-muwaadiniinta-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maareeyaha-hayadda-aqoonsiga-qaranka-oo-ka-hadlay-tabashada-muwaadiniinta-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Maareeyaha Hay\u2019adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Maareeyaha Hay\u2019adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay\u2019adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.<\/p>\n<p>Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay\u2019addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee ka jira xarumaha NIRA.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,\u201d ayuu yiri Maareeyaha.<\/p>\n<p>Ugu horrayn, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay\u2019addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg-bixinta. Wuxuu xusay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.<\/p>\n<p>Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa sheegay in hay\u2019addu go\u2019aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniintu si fudud u helaan adeegga diiwaangelinta. \u201cXarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa\u2019iido laga helo in xarunta la yimaado ka hor waqtigaas.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, wuxuu sheegay in hay\u2019addu ay si buuxda uga go\u2019an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la\u2019aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo ixtiraamka habraacyada rasmiga ah ee NIRA<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Maareeyaha Hay\u2019adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay\u2019adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":547785,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-547784","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547784","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=547784"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547784\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":547797,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547784\/revisions\/547797"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/547785"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=547784"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=547784"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=547784"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}