{"id":547527,"date":"2025-10-30T12:32:06","date_gmt":"2025-10-30T09:32:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=547527"},"modified":"2025-10-30T13:10:01","modified_gmt":"2025-10-30T10:10:01","slug":"jabuuti-oo-looga-dabbaaldegay-25-guuradii-ka-soo-wareegatay-shirkii-carta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/jabuuti-oo-looga-dabbaaldegay-25-guuradii-ka-soo-wareegatay-shirkii-carta\/","title":{"rendered":"Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta"},"content":{"rendered":"<p>Carta-Jabuuti\u2013(SONNA)-Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, mas\u2019uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira mas\u2019uuliyiin qaran, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal.<\/p>\n<p>Intii lagu guda jiray xafladda, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u furay \u201cTaallada Nabadda Soomaaliyeed\u201d, oo laga dhisay goobtii uu ka dhacay teendhadii taariikhiga ahayd ee lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Carta sanadkii 2000-kii, kaas oo ahaa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu soo celiyay dowladnimada Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa la daah-furay Matxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo billaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo uu matxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dawladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.<\/p>\n<p>Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaran ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay\u2019adaha dastuuriga ah ee dalka.<\/p>\n<p>Ugu dambayntii, xafladdu waxay ku soo idlaatay bandhig farshaxan iyo filim dukumentari ah oo soo bandhigay safar 25 sano ah oo isugu jira caqabado iyo guulo, iyadoo lagu jiro jawi farxadeed oo muujinayay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo go\u2019aankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, midnimada iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-547524 size-large\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-1024x683.jpeg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4-860x573.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta4.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-547523 size-large\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-1024x683.jpeg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3-860x573.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta3.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-547521 size-large\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-1024x683.jpeg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2-860x573.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/carta-2.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-547518 size-large\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-1024x683.jpeg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad-860x573.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Munaasabad.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Carta-Jabuuti\u2013(SONNA)-Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, mas\u2019uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira mas\u2019uuliyiin qaran, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":547531,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-547527","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547527","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=547527"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547527\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":547534,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547527\/revisions\/547534"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/547531"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=547527"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=547527"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=547527"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}