{"id":547448,"date":"2025-10-29T07:19:24","date_gmt":"2025-10-29T04:19:24","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=547448"},"modified":"2025-10-29T10:19:50","modified_gmt":"2025-10-29T07:19:50","slug":"soomaaliya-iyo-jarmalka-oo-kala-saxiixday-heshiis-horumarineed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-jarmalka-oo-kala-saxiixday-heshiis-horumarineed\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis horumarineed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan \u20ac 75 milyan oo Euro.<\/p>\n<p>Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C\/raxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka, Julia Hanning.<\/p>\n<p>Heshiiskan, oo socon doona muddo labo sano ah oo ka billaabanaya 2026-ka, ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025\u20132029), waxaana diiradda lagu saarayaa Beeraha iyo nidaamyada cuntada, Waxbarashada, shaqo-abuurka, xirfadaha farsamada (TVET), Biyaha, maaraynta biyo-gelinta iyo u adkaysiga isbeddelka cimillada.<\/p>\n<p>Heshiiskan cusub ayaa wuxuu ka dhashay wadahadallo laba maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen mas\u2019uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Dowladda Jarmalka, wuxuuna sidoo kale daba socdaa heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen 2023.<\/p>\n<p>Wasiir Beenebeene ayaa yiri: \u201cIskaashigan wuxuu xoojinayaa mudnaanta NTP, gaar ahaan shaqo-abuurka, adeegyada aasaasiga ah iyo u adkaysiga cimillada&#8221;.<\/p>\n<p>Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka,Julia Hanning ayaa caddeysay in Jarmalku ka go\u2019an tahay dhiirigelinta barnaamijyo saameyn leh oo kaabaya adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning ay xustay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi dhinacyo badan leh iyo mid saaxiibtinimo oo ka badan 60 sano.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan \u20ac 75 milyan oo Euro. Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C\/raxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":547449,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-547448","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547448","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=547448"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547448\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":547455,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/547448\/revisions\/547455"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/547449"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=547448"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=547448"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=547448"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}