{"id":546928,"date":"2025-10-21T16:08:32","date_gmt":"2025-10-21T13:08:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=546928"},"modified":"2025-10-21T16:08:32","modified_gmt":"2025-10-21T13:08:32","slug":"raiisul-wasaare-ku-xigeenka-koobaad-oo-kormeeray-xarunta-guddiga-qaranka-ee-shaqaalaha-rayidka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-ku-xigeenka-koobaad-oo-kormeeray-xarunta-guddiga-qaranka-ee-shaqaalaha-rayidka\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka koobaad oo kormeeray Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Ra\u2019iisul Wasaaraha ahna Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, isagoo si dhow u eegay hawlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Guddiga.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha Kuxigeenka ku soo dhaweeyey Xarunta Guddiga. Ra\u2019iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Xubnaha hoggaanka sare ee Guddiga, kuwaas oo uga warbixiyey hawlaha socda, qorshayaasha horumarineed, iyo dadaallada lagu tayeynayo maamulka shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu yahay laf-dhabarta nidaamka maamul ee dawladda, maadaama uu isku xiro hay\u2019adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaato kobcinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku ammaanay hoggaanka iyo shaqaalaha Guddiga dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-habeynta maamulka iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha rayidka, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan shaqadooda lagu tayeynayo adeegyada dadweynaha.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, ku-simaha Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, si loo xaqiijiyo adeeg dowladeed oo hufan, caddaalad ku dhisan, loona dhiso shaqaale rayid ah oo xirfad iyo karti leh.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Ra\u2019iisul Wasaaraha ahna Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, isagoo si dhow u eegay hawlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":546929,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-546928","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546928","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=546928"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546928\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":546930,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546928\/revisions\/546930"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=546928"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=546928"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=546928"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}